Qorshe la doonayo in xilka looga qaado Axmed Madoobe oo ka socda Kismaayo iyo Muqdisho

Kismaayo (caasimadda Online) – Cabdi Cali Raage oo mar ahaa la taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jubaland una qaabilsanaa Deeqaha gaar ka ah ee jubbaland ka hesho Caalamka ayaa haatan wada Olole xoogan ugu jira sidii uu u afgembin lahaa ama talada ugala wareegi lahaa Axmed Madoobe iyadoo labo sano kadib  la filayo inay dhacdo Doorashada Maamulka Jubaland haddii aanay Xaaladu isbedel kale ku iman.

Waa kuma Cabdi Cali Raage?

Mr. Raage oo ay isku Beel yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa haysta Hanti farabadan oo gaaraysa Malaayiin Dollar oo uu ka musuqmaasuqay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Deeqihii kala duwanaa ee caalamka ay ka heshay Jubbaland iyo markii uu Axmed Madoobe u Magacaabay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Jubbaland, xilligaasoo la xaqiijiyey inuu lacago badan ka qaatay Xildhibaanadii u kala tartamayey Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Cabdi Cali ayaa wata Gaari aysan xabadu karin oo uu isagu si shaqsi ah uga soo iibsaday Dibada kalana soo degay Dekada Kismaayo, waana qofka keliya ee wata Baabuur noocaas ah oo ku nool Magaalada Kismaayo Marka laga reebo Axmed Madoobe.

Dhinaca kalana Hantidii uu boobay Cabdi Cali waxa Magaalada kismaayo kaga dhistay Guri weyn oo dhawr Dabaq ah, wuxuuna haatan dhul uu boobay oo dan Guud oo ku dhaw Airporka Kismaayo ka dhisi rabaa Hotel weyn oo noociisa oo kale uusan ku oolin Kismaayo uuna ugu talagalay in dadka Madaxda ah ama Ganacsatada ee imanaya Kismaayo inuu ka kireeyo.

Muxuu salka ku hayaa Khilaafka Axmed Madoobe iyo Cabdi Cali Raage?

Khilaafka soo kala dhex galay Axmed Madoobe iyo Cabdi Cali Raage ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu salka ku hayo kadib markii Axmed Madoobe ogaaday Musuqmaasuqa baahsan ee uu ku kacay  iyo weliba markii ay Cabasho badan ka timid Beelaha Jubbaland qaarkood taasoo sababtay in Beelo badan ay kalsoonidii ay ku qabeen Maamulka Axmed Madoobe ay yaraatay, sababta Cabashada iyo Kalsooni darrada Maamulka ay ka qabaan Beelahaasi la ogaaday inuu sabab u yahay Cabdi Cali oo duudsiiyey Xaquuqdii Belahaasi ku lahaayeen Maamulka.

Muxuu Damacsan yahay Cabdi Cali Raage?

Intaa kadib markii uu ogaaday Cabdi Cali Raage in ay dhamaatay Kalsoonidii uu ka haystay Axmed Madoobe ayuu bilaabay isaguna  qorshe uu ku doonayo in uu la wareego Madaxnimada Maamulka Jubbaland.

Qorshaha Cabdi Cali Raage ee uu ku doonayo inuu la wareego talada Jubbaland ayaa  waxaa kula jira rag kale oo ay ka mid yihiin Col; Axmed Xaashi oo u dhashay Beesha Ogaadeen kana tirsan Aqalka Sare, waxaana la xasuustaa in Cabdi Cali Raage uu Kursiga uu ku fadhiyo Col: Axmed Xaashi uu si Musuqmaasuq iyo boob ah uga qaaday  Cabdi Maxamed Tarax oo la filayey inuu ku guulaysto kursigaa, sidoo kale raga kale ee qorsha wax ka wada ee u dhashay Beesha Mareexaan waxaa ka mid ah Cabdiwahaab Maxamed Turbac iyo Axmed Faarax, waxaana ilaha xog ogaalka ah ay xaqiijinayaan in Afartaasi nin ay doonayaan inay si qarsoodi ah awood ugu yeeshaan Baarlamaanka iyo Ciidamada Jubbaland, waxaana suuragal ah inay jiraan rag kale oo qarsoon oo hawshaa wax ka wada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhankiisa waxa uu la socdaa dhaqdhaqaaqyada lidiga ku ah ee la doonayo in talada lagala wareego wallow uusan wax talaabo ah ka qaadan arinkaasi.

W/Q: Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdicuud)
Email: cabdicuud@live.com