Xog: Khilaaf ka taagan sida laga yeeli lahaa xoogaga u dagaalama Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada qorsho lagu maareynaayo xoogaga Mukhtaar Roobow ee weli ku sugan deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Dowlada Federaalka, ayaa dooneysa inay la wareegto dhammaan dagaalyahaanada, Gaadiidka, Hubka iyo fariisimaha Mukhtaar Roobow ee Gobolka Bakool.

Dowladu waxa ay dooneysaa inaan la dayicin xoogaga u diiwaan gishan Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inay leeyihiin khibrad dagaal oo ka duwan kan ay heystaan ciidamada dowlada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale doonaaya in lagu wareejiyo dagaalyahaanada iyo Gaadiidka Mukhtaar Robow maadaama ay beel ahaan kasoo jeedan beelaha dega Koonfur Galbeed.

Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan ayaa kamid ah mas’uuliyiinta dadaalka ugu jira sida xoogaga Roobow loogu wareejin lahaa maamulkiisa.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale, dowlada Federaalka ku qancinaaya inay bixin doonaan dhammaan xuquuqaadka dagaalyahaanada Roobow, isla markaana kasii howlgalin doonaan deegaanada ay hadda ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Mukhtaar Roobow qudhiisa ayaa doonaaya in dagaalyahaanadiisa ay kusii nagaadan deegaanada ay hadda joogan si halkaa ay usii ahaato Saldhigyada xoogagiisa.

Ma cadda sida ay dowlada Federaalka ku aqbali doonto qorshaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Mukhtaar Roobow ay ku doonayaan inay kusii nagaadan Gobolka Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com