Xasan C/qaaadir Muudey: Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cosoble naftiisa ha eersado

Siyaasiga Xasan C/qaadir Muudey oo ka soo jeeda Deegaanada Hirshabelle, ayaa si diiran u soo dhaweeyay tallaabadii ay Xildhibaanada Hirshabelle kalsoonida ugala noqdeen Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa tallaabadan ku sheegay shaqadii ugu wanaagsaneyd ee ay ebid qabteen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, mudada halka sano ahi ee ay jiraan.

“Waxaan soo dhawaynayaa is bedelka ka dhacay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaan is leeyahay waa shaqadii ugu wanaagsaneyd ee ay qabtaan Xildhibaanada Hirshabelle, tan iyo markii sanadkii hore lagu soo doortay Magaalada Jowhar.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Wareysi uu siinaayay Warbaahinta, ayuu ku sheegay in qodob dastuuri ahi uu cadeynayo in Xildhibaanada, ay shaqada ka eryi karaan Madaxweynaha, haddii uu ka gaabiyo shaqadiisa.

“Qodob dastuuri ah ayaa Xildhibaanada u ogolanaya inay bedeli karaan Madaxweynaha, haddii uu ka gaabiyo gudashada waajibaadkii shaqo ee loo soo doortay. Mar walbana waxaan taageeraya u hogaansamidda Dastuurka Hirshabelle.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir.

Isagoo bogaadinaya Golaha Wasiirada Hirshabelle, ayuu yiri “Sidoo kale waxaan Golaha Wasiirada Hirsahbelle ugu hambalyeynaya sida geesinimada leh, ay kulankoodii Khamiistii ugu ayideen go’aankii, ay Xildhibaanada kalsoonida ugala noqdeen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, waana tusaale ku filan in isla xisaabtan uu jiro.”

Xasan C/qaadir, ayaa tilmaamay in la wada ogyahay in Madaxweyne Cosoble uu ku guuldareystay wixii loo soo doortay, cid kalena aanu ku qabsan karin in kalsoonida uu ka waayo Baarlamaanka Hirshabelle.

“Ex Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble waxaan marqaati ka wada nahay inaanu ka soo bixin wixii loo soo doortay, waa hogaamiye ka seexday shaqadiisa. Sida Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Hirshabelle ay qirsan yihiinna Ex Madaxweyne Cosoble lama imaanin horumar la taaban karo, xitaa nooma sheegi karo hal waxqabad uu sameeyay, sagaalkii bilood ee xafiiska uu joogay. Cid kalena taas kuma eedi karo ee naftiisa ha eersado.” Ayuu yiri Muudey.

Madaxweynaha kalsoonida lagala noqday, ayuu ugu baaqay “Ex Madaxweyne Cosoble waxaan ugu baaqaya inaanu samaynin wax uusan Dastuurka Hirshabelle raali ka ahayn amaba qabin. Waxaan leeyahay waa lagu riday, waana inaad u hogaansataa shuruucda.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri “Dowladda Federaalka Somaliya iyo Beesha Caalamkaba waxaan ugu baaqaya inay soo dhaweeyan is bedelka ay sameeyen Xildhibaanada Hirshabelle. Si lamid ah sida ay u soo dhaweeyeen dadka reer Hirshabelle, waana rajeynaya inay taageeri doonaan rabitaankii iyo biseylkii ay Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada Hirshabelle ku doonayeen in is bedel uu dhaco.”

Ina Muudey, ayaa Xildhibaanada Hirshabelle u sheegay “Ugu dambeen shaqo adag ayaa hadda hortaala Xildhibaanada Hirshabelle, waxaana leeyahay waxaad mareysaan imtixaan adag, ee soo doorta hogaamiye ka soo bixi kara shaqadiisa, iskana ilaaliya wixii khilaaf dhexdiina ah, dib u dhac-na keeni kara.”