Qahira (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Masar oo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El Sisi uu aqbalay qodobo dhowr ah oo uu ka dalbaday dhigiisa Somalia.
Waxa ay qoreen in Abdel Fattah El Sisi uu ku dhawaaqay isbedel lagu sameeyo halka uu iminka taagan yahay xiriirka Masar kala dhexeeya Somalia.
Abdel Fattah El Sisi, ayaa dhigiisa Somalia u saxiixay in waxbadan laga bedeli doono Iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo socdaalk, waxayna isku afgarteen dhammaan qodobadii ay kawada hadleen.
Abdel Fattah El Sisi, waxa uu sidoo kale, dhigiisa u ballanqaaday inay aqoonsanayaan Baasaboorka Somalia isla markaana ay Somalia duulimaadyo ka sameyn doonto Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira.
Waxyaabaha uu Abdel Fattah El Sisi ka aqbalay Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa in la fududeyn doono fiisooyinka la saaro baasaaboorka shaqaalaha iyo diblomaasiga Somaliga ah.
Waxa uu sidoo kale, El Sisi ballanqaaday in la kordhin doono deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa El Sisi u ballanqaaday inay xooga saari doonaan waxyaabaha Ganacsiga ay Masar usoo safriso Somalia iyo dhammaan waxyaabaha sahli kara in labada dal ay ku xoojiyaan xiriirka.
Dhinaca kale, dowlada Masar ayaa amaantay qorsho Siyaasadeedka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Caasimada Online
Xafiiska Qahira
[email protected]

