27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Gaas Gaaskuu faafinayey, federaalka ma gaarsiiyey?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxay ahyad November 2012 markaan qoray qormaddii, Gaasoow Punland Gaas ha ku shubin. Waa shan sano oo wax yar dhimman ka hor. Qormadaaas waxaan ugu hadlayey hadalo dad kicin ah ee Gaas ku hadaaqay. Waxaan ku soo gunaanaday nimaan idiin furi doonin yuusan idiin rarin Puntalndeey. Dadka qaar waa u riyaaqay qaarna waa igu dhaliileen, inkastoo qaar gadaal ka garteen in eeddaydu ahayd biyo kama dhibcaan. Ka dib maxaa dhacay, maantase maxaa taagan? Maxaanse qalinka mar kale u qaatay?

Gaas ka dar oo dibi dhal buu noqday, meelo badan waxaa ka yeertay, xukunkii wadaagga ahaa ee Faroole iyo wiilashiisa baaba dhaamay. Runtuna waxay kuu soo biyo shubatay, goroyo haad noqon weeydey. Magaca raaisal-wasaare, Harvard Phd, aqoon yahan, waxay ku soo dhammaadeen wax laga wada yaabay:  wareer maamul, wax is-dabamarin, run-la’aan, ballan darro, shilin arrursi  (lacag daabac), jifi aruursi, oday dhaqameed u gafid, qaran-iibin, rakaab xumo, hoggaan jileec, sharcin jabin,  iyo intaan oo kale ee aan afkaygu karin.

Wixii reer Puntland ka qayliyeen, oo in badan dib u milicsatay qoraalkii November 2012, kana yaabeen meesha aan keenay digniintii ahayd Gaas iska aala/eega, waxaa ayana qaylo ka timid Xamar, markii uu ixtiraami waayey kursigii uu `ku fadhiyey ee federaalka haybadiisa, uuna ku faanayey inuu mar soo noqday Raisalwasaare Somaaliya, xoogana saaray hirgelinta nidaamka defederaalka in dalka lagu baahiyo.

Qoraalka dhawaan Gaas soo saaray wuxuu yahay mid dibedda keenaya walli-dhaqanka madaxa dawlad goboleedka Puntland. Si kasta oo uu u dhaliilsan yahay go’aanka Federaalku  ka qaatay xasaradda Khaliijka, oon ahayn mid Gaas kaliya khusaysa, marna ma ahayn in maamul goboleed qaato go’aan abbaaraya arrimaha siyaasadda dibedda qaranka oo ah mid gooni u ah dawladda dhexe. Waxay ahayd in wadiiqqoyin maxalli ah loo maro wixii dhawaldda dhexe lagu dhaliilsan yahay. Ma garan waayin, Dr. Harvard Phd, inuusan shaqo iyo shuqul ku lahayn arrimaha dibedda, ee waxaa meesha timid, waano iyo abuur yaa horreysay – jawaabto waa abuur, Gaasna wuxuu noqday mid Gaas uun meel walba ku sii daynaya, asagoo dan caato ah leh.

Punland aad baa loo walaacsan yahay, waxaana lagu ballamayaa in sannadka iyo dhowrka bilood ee ka haray xilliga doorashada la isaga dulqaato gabood-falka joogtada ah ee Gaas. Federaaalka waxaan leeyahay xaalna qaata una dul qaata waxa reer Puntland joogto ugu dulqaataan.

Ugu dambayn, waxaan uga hadlayaa arrinkaan, waxaan ogahay in dad badani isleeyihiin Gaas ma lala qabaa falalka caynkaan ah ee uu qaadayo had iyo jeer. Markaan waraystay in badan ee deegaanka aan ka soo wada jeedno ani iyo Gaas, waxaan maqlayaa MAYA, mase maqal wax ka hadlay oo badan. Waxaan aad u rajanayaa in muddo kooban ka dib Gaas gaasku ka dhammaado, uuna dalalka deriska ku meeraysto sida rag ka horreeyey ee ay isku rabitaan ahaayeen.

W/Q: Xuseen Khaliif, Xildhibaan (2012)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News