Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka HirShabeelle ayaa sheegaya in halkaa lagu xirxiray Odayaal dhaqmeed dhowr ah.
Odayaasha xabsiga la dhigay ayaa la sheegay in xarigooda ka hor looga yeeray xarunta maamulka, iyadoo halkaa looga guray gaadiid dhowr ah.
Odayaasha la xiray ayaa dhawaan ka qeybgalay wada hadaladii lagu heshiisiinayay beelihii ku dagaalamay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Odayaasha ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayen abaabulka lagu tuuray Hogaamiyihii maamulka Cosoble iyo colaado laga dhex abuuray laba beel oo iminka xal la kala dhex dhigay.
Amarka lagu xiray Odayaasha ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu lahaa Hogaamiye ku-xigeenka maamulka ahna Hogaamiyaha KMG Cali Guudlaawe Xuseen.
Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale balamiyay Odayaasha iyadoo ujeedka laga lahaa uu ahaa xarigooda, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.
Geesta kale, Odayaasha ayaa dib u heli doona xoriyadooda wixii ka danbeeya baaritaanada iminka ku socda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho