Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo shirar lagu go’aaminaayo xiliga doorashada Hogaamiyaha cusub ee maamulka.
Shirarka oo u dhexeeya Hogaamiyaha KMG Maamulka, Guddiga loo xil saaray arrimaha doorashada iyo Xubno kale ayaa waxaa la xaqiijiyay in leysku mari la’ yahay shirarka socda.
Hogaamiyaha KMG iyo Xubnaha qaar ee ka tirsan Guddiga ayaa qaba in la dib dhigo doorashada, halka xubnaha kale ay ku adkeysanayaan in la dadajiyo doorashada.
Xubnaha ku doodaaya in la dib dhigo doorashada ayaa sheegaya in arrimaha doorashada la hoos geeyo Wasaarada arrimaha Guddaha dalka oo iyadu ka qeybqaadan doonta dhaqaalaha ku baxaaya doorashada.
Sidoo kale, Xubnaha doonaaya in la qabto doorashada ayaa soo jeediyay in doorashada lagu beego dhamaadka bisha nagu soo aadan si loo dhameystiro howlaha qabyada u ah maamulka.
Khilaafka ka taagan xiliga doorashada ayaa la tilmaamayaa inay ka danbeeyan Xildhibaanada baarlamaanka maamulka oo iyagu dhararsan xiliga doorashada.
Ma cadda waxa uu noqon doono xalka khilaafka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inay jirto dhaqaale xumi dhanka doorashada ah.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar

