28.3 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Sacuudiga oo meel xun gaarsiiyey xiisadda khaliijka kadib tallaabo ceeb ah oo ay qaadeen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Golaha Xaquuqul Insaanka ee dalka Qatar ayaa shaaciyey tirada muwaadiniinta reer Qatar ee laga horjoogsaday inay soo gutaan waajibaadka Xajka.

Warbixintan kasoo baxay Golahaasi u hadla xaquuqda muwaadiniinta reer Qatar ayaa lagu sheegay in illaa iyo hada Sacuudiga uusan kasoo jawaabin codsiga rasmiga ah oo ay Xujaydaasi ku doonayaan in lagu siiyo waraaqahooda.

Dowlada Sacuudiga ayaa horey u sheegtay in xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dal aysan wax saameyn ah ku yeelin doonin dadka Xujayda ah iyo muwaadiniinta reer Qatar ee doonaya inay booqdaan dalka Sacuudiga iyo magaalooyinka barakeysan.

Dhinaca kale Dowlada Qatar ayaa dib u shaqo gelisay Safaaradii ay ku lahayd magaalada Tehran ee dalka IRAN.

Safiirkii Qatar u fadhiyi jiray dalka IRAN, Ambassador Ali Hamad Al-Sulaiti ayaa la sheegay inuu Jimcihii gaaray magaalada Tehraan, halkaasna uu shaqadiisa dib uga bilaabay sabtidii shalay.

Qatar ayaa safiirkeeda IRAN kala soo baxday Tehran sanadkii 2016, xiligaasi oo ay Qatar taageero u muujineysay Sacuudiga oo ka careysnaa weerarkii lagu qaaday Safaaraduu ku lahaa caasimada IRAN.

Xiriirka ka dhaxeeya IRAN iyo Qatar ayaa sii xoogeystay tan iyo bishii June markii ay Xulafada Sacuudiga xayiraada kusoo rogeen wadanka Qatar.

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu gaaro dalka Kuwait si uu amiirka dalkaasi ugala hadlo waan waan iyo dhex dhexaadintii lagu qaboojinayey xiisada Khaliijka ee ka dhextaagan Qatar iyo xulafada Sacuudiga.

- Advertisement -

Read more

Local News