29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Militeriga Ciraaq oo si buuxa ula wareegay deegaan ahmiyad u leh dowlada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Iraq ayaa shaaca ka qaaday inay awood Militery kula wareegtay magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh ”Ninweh”.

Haider al-Abadi Ra’isul wasaaraha dalka Iraq ayaa xaqiijiyay la wareegida magaalada waxa uuna carab dhabay in ciidamadu ay yihiin kuwo jab xoogan u geystay Daacish.

Haider al-Abadi, bayaan uu kasoo saaray xarunta madaxtooyada ee magaalada Baghdad ayuu ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka qalabka sida.

Gen. Stephen Townsend oo ah Taliyaha xoogaga isbaheysiga ee uu Mareykanka hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ayaa ku amaanay ciidamada Ciraq guusha kama danbeysta ah ee ay kasoo hooyeen magaalada Tal Afar.

Si kastaba ha ahaatee, Howlgalka magaalada Tal Afar oo 80-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Mosul ayaa bilowday 20-ki bishi August ee aanu kasoo gudubnay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News