Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa soo idlaaday guuritaanka Diblomaasiyiintii ruushka ee loogu baaqay in ay 48 saacadood ku faarujiyaan saddex xarumood oo ku yaalla dalka Mareykanka.
Diblomaasiyiinta oo ka faa’iideysanaayay mudada loo qabtay ayaa iminka ka dhamaaday dhammaan saddexda xarumood, labo xafiis oo ku kala yaalla magaalooyinka Washington iyo New York iyo qunsuliyaddii San Francisco ee Ruushka oo la wada faarujiyay.
Kaamiradaha qarsoon ayaa qabanaayay diblomaasiyiinta ka howgali jirtay xafiisyadaasi oo alaabohooda raranaayay.
Xarumaha ay ka guurayeen Diblumaasiyiinta, gaar ahaan qunsuliyadda ruushku ku leeyahay magaalada San Francisco ayaa waxaa dushooda laga arkaayay qiiq aad u farabadnaa oo la sheegay mid uu ruushku ku gubayay dukumentiyo eysan dooneyn in ay gacanta u galaan sirdoonka Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa Qunsuliyada Ruushku ku leeyahay magaalada San Francisco ku eedeeyay in ay waday howlo basaasnimo, waxaana bishii Desember ee sano hore qunsuliyaddaasi laga eryay dhowr diblomaasi kuwaas oo la sheegay in ay khal-khal galinayeen doorashadii dalkaasi ka dhaceysay.