25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Maxaad kala socotaa 3 sabab oo ay xilka ku waayeen 18-ka garsoore ee la eryey?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa shaqo ka eryin lagu sameeyay ilaa 18 Garsoore oo ka howl geli jiray Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo kuwa degmooyinka.

Garsoorayaasha laga eryay shaqooyinkii ay u hayeen Maxkamadaha ayaa lagu eedeeyay macaash dhanka shaqooyinka ay u hayeen Qaranka iyo shacbiga Soomaaliyeed.

Danbiyada ay shaqooyinkooda ku waayen Garsoorayaasha ayaa kala ahaa:

1- In 12 kamid ah Garsoorayaasha la eryay lagu helay kiis ku aadan inay isdaba mariyeen dacwado hali ah, kuwaa oo dhaqaale kusoo afmeeray kiisaska taagnaa.

Garsoorayaasha 12-ka ah ayaa la tilmaamay in dhalinyaro loo heystay kiisas dilal ah ay ka tireen isla markaana dusha ka saareen dhalinyaro kale oo aan u xirneyn danbiyo adag.

2-Afar kamid ah 18ka Garsoore ee shaqada laga eryay ayaa lagu eedeeyay in kiisas daba dheeraaday ay ku qaaten lacago iyo Goofaf dhowr ah, kuwaa oo ugu danbeyntii lagu dacweeyay cadeymo la xiriira hantidii lasiiyay.

3-Labo kamid ahaa Garsoorayaasha laga eryay shaqada ayaa iyaguna lagu helay inay marqaati fur u noqdaan kiisaska uu ka dhasho muranka ee la doonaayo in lagu soo afmeero cadaalad darida.

Waxaa afartii bil ee ugu danbeysay sii kordhay cadaalad darida kusii baaheysa xarumaha dowlada, gaar ahaan goobaha loo raadsado cadaalada.

Garsoorayaasha shaqada laga joojiyay ayaa lix ka mid ah ku magacawnaa xeer madaxweyne, waxaana ay kala yihiin. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u ballanqaaday in lasoo afmeeri doono cadaalad darida ka jirta dalka, waxa ayna talaabadaani u muuqataa mid lagu xoojinaayo ballanqaadka Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News