Manama (Caasimada Online) – Baxreyn iyo Kuwait ayaa si qarsoodi ah diyaarado dagaal ugu diray gudaha Iran, iyagoo duqeeyay goobo militari oo ku yaalla dalkaas, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.
Weerarradan, oo dhacay horraantii bishan, ayaa noqonaya tallaabadii ugu horreysay ee ay labada dal si toos ah uga qaadaan Iran, xilli dagaalka gobolka uu sii daba-dheeraanayo, dowladaha Carabtuna ay wajahaan xaalad amni iyo dhaqaale oo aad u adag.
Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday bakhaarro lagu keydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, iyo sidoo kale xarumo kale oo militari, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen wargeyska Wall Street Journal.
Imaaraadka Carabta, oo dhowr jeer weerarro ka fuliyay Iran bilowgii dagaalka, ayaa labada dal siiyay xog sirdoon oo ku saabsan bartilmaameedyada, iyo difaac cirka ah oo lagu ilaalinayay diyaaradaha fulinayay weerarrada.
Tallaabadan ayaa muujineysa bilowga iskaashi militari oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya qaar ka mid ah dalalka Carabta, kuwaas oo doonaya inay si wadajir ah uga hortagaan weerarrada Iran.
Iran ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay inta badan weerarradeeda aargoosiga ah ku bartilmaameedsatay Baxreyn iyo Kuwait, oo labaduba martigeliya saldhigyo militari oo Mareykanku leeyahay.
Labada dal waxay leeyihiin ciidamo cirka oo tiro ahaan kooban, kuwaas oo ku hubeysan diyaarado ay sameeyeen Mareykanka iyo dalal Yurub ah. Hase yeeshee, waxay go’aansadeen inaysan Iran u oggolaan inay sii waddo weerarrada iyada oo aan wax jawaab ah la siin, sida ay sheegeen dadka xogta u leh arrintan.
Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay taageersan tahay dadaallada lagu dhimayo xiisadda gobolka, oo ay ku jirto in si buuxda dib loogu furo marin-biyoodka Hormuz, oo muhiim u ah dhoofinta saliidda dalalka Khaliijka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sidoo kale cambaareysay weerarrada lagu qaaday Kuwait iyo Baxreyn, waxayna sheegtay inay “si buuxda ula garab taagan tahay dalalkaas, ayna taageersan tahay dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo ammaankooda iyo xasilloonidooda”.
Afhayeenno u hadlay dowladaha Kuwait iyo Baxreyn kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo ku saabsanaa inay faallo ka bixiyaan duqeymaha.
Dalalka Carabta ee Khaliijka ayaa hadda ku dhex jira dagaal aysan dooneyn, iyagoo dhinaca kalena deris la ah Iran oo ka weyn, awood badanna leh, isla markaana u aragta in si weyn loo dhibaateeyay.
Dalalkan ayaa si wadajir ah u qaaday qeybta ugu badan ee weerarradii Iran ay fulisay intii uu dagaalku socday. Waxay hadda la tacaalayaan suuragalnimada in colaadda iyo is-horfadhigu sii dheeraadaan, taas oo khatar ku ah ammaankooda iyo dhaqaalahooda.
“Dagaalka oo sidan hadda uu ku socdo kusii socda waa xaaladda ugu xun ee ay wajihi karaan,” ayay tiri Dina Esfandiary, oo ah khabiir ku takhasustay Bariga Dhexe kana tirsan Bloomberg Economics.
Waxay sheegtay in dagaalku uusan dalalka Khaliijka siin fursad ay dib ugu dhistaan sawirkooda ah inay yihiin meel xasilloon oo ku dhex taalla gobol qalalaase badan, isla markaana uu saameynayo qaab-dhismeedka dhaqaalahooda.
Imaaraadka ayaa dagaalka ku lug yeeshay xilli hore, isagoo tobannaan duqeymo ah ka fuliyay Iran tan iyo bilowgii colaadda, weerarradana sii waday ilaa maalintii ka dambeysay markii xabbad-joojin lagu dhawaaqay bishii April.
Iran ayaa toddobaadyadii dambe inta badan ka gaabsatay inay weerarto Imaaraadka, inkastoo horraantii bishan ay duqeysay laba markab oo shidaal oo laga leeyahay dalkaas.
Kuwait iyo Baxreyn ayaa wajahaya xaalad ka sii adag. Labada dal muddo tobannaan sano ah xiriir wanaagsan lama lahayn Iran, waxayna noqdeen bartilmaameedyada ugu waaweyn ee weerarradii ugu dambeeyay.
Iran ayaa hadda kordhisay weerarrada ay ku beegsaneyso kaabeyaasha muhiimka ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait ayaa Axaddii sheegtay in Iran ay weerartay warshad koronto iyo xarun biyaha badda looga dhigo kuwo la cabbi karo.
Kuwait waxay weerarka ku tilmaantay khatar ka dhan ah muwaadiniinteeda iyo tallaabo si weyn u sii hurineysa xiisadda gobolka.
Dalalka Oman iyo Qatar ayaa muddo dheer isku dheellitirayay xiriirkooda Iran iyo reer Galbeedka, mana muujin rabitaan weyn oo ay Tehran si toos ah ula galaan dagaal.
Sacuudi Carabiya ayaa bilowgii dagaalka Imaaraadka kala qeyb qaadatay weerarrada Iran, balse hadda waxay dib u qiimeyneysaa mowqifkeeda, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.
Dowladaha Carabta ayaa markii hore rajeynayay in dagaalku si degdeg ah ku dhammaado, si ay dib ugu laabtaan qorshayaashooda dhaqaale. Hase yeeshee, colaadda ayaa hadda gashay bishii shanaad, iyadoo aanay jirin calaamad muujineysa in dhinacyadu gaareen ujeeddooyinkooda ama ay diyaar u yihiin inay dib u gurtaan.
Dhoofinta saliidda dalalka Khaliijka ayaa si weyn u dhaawacantay, kadib markii Iran ay ciriiri gelisay marin-biyoodka Hormuz.
Khatar kale ayaa toddobaadkan kasoo baxday Badda Cas, halkaas oo kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto ay xayiraad kusoo rogtay maraakiibta, isla markaana weerarro ku qaaday gaadiidka badda.
Dalxiiskii gobolka ayaa hoos u dhacay, halka maalgelintii caalamiga ahayd ay cadaadis sii kordhaya wajahayso. Dowladaha Carabta ayaa hadda ka fiirsanaya inay qaadaan tallaabooyin militari oo ka xoog badan kuwa hadda jira, si dib loogu furo marinnada ganacsi ee muhiimka u ah dhaqaalahooda.
“Waxaan u maleynayaa in dalalka Khaliijka ay bilaabayaan inay fahmaan in dagaalkani sii socon doono muddo,” ayuu yiri Umer Karim, oo ah cilmi-baare ku takhasusay siyaasadda Sacuudiga iyo juqraafi-siyaasadeedka Khaliijka kana tirsan Jaamacadda Birmingham.
“Arrintani ugu dambeyn waxay ka dhigan tahay inay qasab ku noqon doonto inay si furan uga hortagaan Iran,” ayuu raaciyay.
Karim ayaa sheegay in qaar ka mid ah dowladaha gobolka ay xitaa bilaabeen inay tixgeliyaan suurtagalnimada isbeddel lagu sameeyo maamulka Tehran, maadaama ay u arkaan in sii jiritaanka dowladda hadda ka talisa Iran uu dalalka deriska ah gelin karo xaalad ay ku hoos noolaadaan awoodda iyo saameynta Iran.

