30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xildhibaanno difaacaya xukuumadda Kheyre oo soo shaac baxay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onaline) – Xildhibaan Faysal Cabdille Guuleed oo kamida Barlamaanka Aqalka hoose ee Somalia, ayaa si adag uga hadlay Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka ee mucaradsan dowlada Federaalka.

Xildhibaan Faysal, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Xildhibaano laga soo dhex xulay bulshada ay mar waliba u taagnaadan inay mucaaradaan dowlada xili uu dalka u baahan yahay in laga daweeyo nabarada soo gaaray.

Xildhibaan Faysal oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga, ayaa tusaale usoo qaatay go’aankii Golaha wasiirrada ee 6 bishan ka soo baxay, kuna aadanaa sarkaal ka tirsanaa ONLF oo ay dowladda Somalia ku wareejisay Ethiopia.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in go’aankaasi ay aad u mucaaradeen Xildhibaanada qaar, waxa uuna arrin nasiib darro ah ku sheegay in xiligaani ay Xildhibaanada isku howlaan inay carqaladeeyan dowlada.

Xildhibaan Faysal ayaa Xildhibaanada iyo dadka shacabka ah ugu baaqay inay tageeran dawladdooda iyo go’aanada madaxda ugu sareysa qaranka.

”Waxaan raba inaan caddeeyo in go’aankii Gollaha wasiirradu soo saaren uu ahaa mid sax ah oo masiiriya, oo mudan soo dhaweyn waana soo dhaweynaya xildhibaan ahan, Go’aanka wasiirradu soo saren”

”Waxaan kuwa dhigeyga ah ugu baaqayaa inay taageeran go’aanada ay gaaren madaxda ugu sareysa dalka, micnuhu maaha inaad noqotaa Xildhibaan fursad gaad ah oo mar waliba ka dhexmuuqda dadka oo doonaayo in dalka dib loogu celsho dhibaato”

”Waxaan raba shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogan inay dawladda la shaqeeyan, Dawladdu waa dawladdii shacabka Soomaaliya, Dawladnimadeenna iyo Qaranimadeenna ayaa ka weyn, wax kasta oo dhib aan u marno”

Sidoo kale, Xildhibaan Faysal ayaa madaxda ugu sareysa dalka ugu baaqay inay ka fogaadan waxyaabaha qaar oo ay la wadaagayaan warbaahin, waxa uuna ku taliyay in la qariyo sirta Qaranka ee iminka lala wadaago warbaahinta.

Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay la kulmeyso cadaadis dhanka baarlamaanka ah.

Caasimada Onaline
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News