27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Muxuu Jawaari ka yiri guuxa aan xalka loo helin ee weli ka taagan arrinta Qalbi Dhagax?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”, ayaa ka hadlay guuxa ka dhashay arrinta sargaalka ONLF ee Qalbi Dhagax.

Jawaari ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu yahay mid la socda guuxa ka taagan dhiibitaanka Qalbi Dhagax balse waxa uu sheegay inaanu muhiim aheyn in qaabab kale looga faa’iideysto cilada dhacday.

Waxa uu Jawaari sheegay inay jiraan Kooxo gaara oo aan xilal ka heyn dowlada amaba ka tirsaneyn oo iyagu doonaaya in arrintaan ay uga faa’iideystaan qorshooyin gaara waxa uuna ku baaqay in la qaboojiyo.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in arrinta Qalbi Dhagax looga dambeeyaan Baarlamaanka Somalia oo ka gaari doona go’aan cad.

Sidoo kale, waxa uu Jawaari dadka shacabka ah ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrinta Qalbi Dhagax ay ka saaran maskaxdooda maadaama ay arrintaasi tahay mid Siyaasadeed kuna haboon in looga danbeeyo baarlamaanka dalka.

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u saaray inay ka soo tala bixiyan dood adag, oo shalay ay Xildhibaanadu ka yeesheen wareejintii C/kariin Sheekh Muuse ”Qalbi-dhagax” iyo go’aankii Xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News