28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Al Hammadi oo shaaciyay isbedel lagu sameyn doono xiriirka Imaaraadka iyo Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Somalia Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay sara qaadeyso xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Danjire Al Hammadi oo kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso dowlada Somalia oo uu sheegay inay tahay mid shacab oo loo baahan yahay in laga garab istaago dhinacyo badan.

Al Hammadi, uu cadeeyay in dowladiisu ay sixi doonto haddii ay jiraan khaladaad u baahan in laga gudbo, waxa uuna ballanqaaday inay xal u raadin doonaan siyaasada labada dal.

Waxa uu tilmaamay inay diyaar u yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee ka dhexeeyo.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Somalia, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro dhala.

Sidoo kale, Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili xiriirka ka dhexeeya dowlada Somalia iyo Imaaraadka uu mugdi galay kadib markii ay Imaaraadku ka talaabtay xad Siyaasadeedka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News