Xog: Maxaadan ogeyn oo saacadihii ugu danbeeyay ka socda xarunta Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somali ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka taagan yahay mashquul xoogan.

Mashquulka ka taagan Villa Somalia ayaa sii xoogeystay 24saac ee ugu danbeysay waxaana halkaa sal dhigtay Xildhibaano farabadan oo garab u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre.

Xildhibaanada sal dhigtay Villa Somalia ayaa ka dhex shaqeynaaya madaxda ugu sareysa dalka iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda dowlada ee dhaqanka iyo caadaduba ka dhigtay mooshinka iyo doodaha aan dan ugu jirin dalka.

Xildhibaanada ku howlan xalka ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada ku wehlinaaya Xildhibaano kale oo iyagu ka laabtay mucaaradnimada kuwaa oo dowlada ku cadaadinaayay arrinta Qalbi Dhagax.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dadaal xoog leh ku bixinaaya kala furfurida Xildhibaanada carqalada ku haya dowlada.

Geesta kale, Xildhibaanada ugu badan ayaa iminka lasoo warinayaa inay isku rogeen taageero kuwaa oo ka laabtay murankii ay ka qabeen arrinta Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com