Dhageyso: Mustaf Dhuxulow “Wasiirradii hore waa in ay cirbad is duraan si ay u dul qaataan”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya,Xildhibaan Mustaf Maxamed Dhuxulow ayaa u digay Wasiirradii ka tirsanaa dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee hadda isku dayaya in ay dowladdan dumiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo ka hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in isaga uusan 3 Sano Wasiir noqon,islamarkaana uu is duray Irbad dulqaadka wasiirnimo la’aanta ah,waxaana uu u soo jeediyay Wasiirradii afartii sano ee la soo dhaafay maamulayay dalka in ay is dejiyaan.

“Wasiiradii hore waa inay is duraan Cirbad, si ay dulqaad u helaan, aniga 3 sano Wasiir ma soo noqon, cirbad ayaa is duray, si aan dulqaad u yeesho, wasiiradii horena waxaa u soo jeedinayaa inay dulqaad yeeshaan”ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Xildhibaanka ayaa ka digay in kacdoon shacab oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dano gaar ah leh ay horseedeyso in ay dowladda bur burto,taasina aysan ahayn wax loo baahan yahay.

Xildhibaannada hadda wada mucaaradidda dowladda hadda jirta ayuu sheegay in haddii ay joojin waayaan danaha shaqsiyaadka ee ka dhanka ah dowladnimada Soomaaliya ay markaas dhici karto in iyagana lagu daydo oo sida ay u dhaqmayaan loo dhaqmo.