Dhageyso: Maxaa ka jira in Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Shariif Xasan Baydhabo lagu xiray?

Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaaladaasi waxay ku soo qab qabteen dad looga shakisan yahay iney qeyb ka yihiin falalka amaandari ee ka jira magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amaanka ka dib weerarkii ismiidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in Ciidamada amaanka ay gacanta ku soo dhigeen dad aad u fara badan inta uu howlgalka socday,islamarkaana la kala saarayo oo inta danbi lagu waaya la sii deyn doono halka kuwa laga shakiyana xabsiga magaalada la dhigayo.

Dhanka kale,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa beeniyay iney jiraan siyaasiyiin loo xiray iney ka hor yimaadeen Maamulka uu hogaanka u hayo Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Warar madax banaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka xabsi dhigeen ilaa iyo seddex siyaasi oo la sheegay iney mucaarad ku yihiin madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan,balse Wasiirka arintaasi waa uu beeniyay.