Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), ayaa maanta ka hadlay xaaladda gobolka, isaga oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii hore degmada Beledxaawo ugu dhex-maray ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.
Janan, oo muddooyinkii dambe aan kasoo muuqan warbaahinta, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beledxaawo diiradda ku saaray xaaladda guud ee gobolka Gedo, gaar ahaan dagaal-beeleedyada soo noqnoqday iyo khilaafaadka siyaasadeed ee saameeyay deegaanka.
Waxaa si gaar ah indhaha loogu hayay sida uu uga hadli doono khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Hase yeeshee, Janan ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo Jubbaland ama uu eedeyn u jeediyo madaxweynaha maamulkaas, Axmed Madoobe, oo uu hore dhowr jeer ugu weeraray warbaahinta.
Ka fogaanshaha hadalladii kululaa ee looga bartay ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan in wax iska beddeleen mowqifkiisa siyaasadeed iyo xiriirkii kala dhexeeyay madaxda Jubbaland.
Janan ayaa sheegay in dagaalkii hore uga dhacay degmada Beledxaawo uu ahaa dagaal salka ku hayay arrimo siyaasadeed, isaga oo tilmaamay in bulshada deegaanka ay si wanaagsan ula socoto sababihii keenay iyo qaabkii uu u dhacay.
“Meeshan dagaal ayaa ka dhacay, dagaal siyaasadeed ayuuna ahaa. Sida uu ku yimid, sababta uu ku yimid iyo qaabkii ay wax u dhaceen waa arrimo qof kasta oo reer Beledxaawo ah uu ka dharagsan yahay,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
Taliyaha NISA ee gobolka Gedo ayaa sidoo kale sheegay in wixii hadda ka dambeeya aysan garab siin doonin cid ku lug leh falal waxyeello u geysan kara shacabka ama xasilloonida gobolka.
“Ma jiri doonto cid dambe oo aan xumaan ku gacan siin doonno,” ayuu mar kale yiri Janan, inkasta oo uusan si cad u magacaabin cidda uu hadalkaas ula jeeday.
Hadalka Cabdirashiid Janan ayaa durba hadal-heyn ka abuuray baraha bulshada, iyadoo dadka qaarkood ay ku fasireen fariin muujineysa isbeddel ku yimid mowqifkiisii hore ee ku aaddanaa maamulka Jubbaland.
Waxa uu sidoo kale sii xoojiyay wararka sheegaya inay jiraan wada-hadallo hoose oo u socda Janan iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, inkasta oo labada dhinac aysan weli si rasmi ah uga hadlin arrintaas.
Cabdirashiid Janan ayaa muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha sida weyn ugu lugta lahaa loollanka siyaasadeed iyo midka amni ee gobolka Gedo, waxaana hadalladiisa cusub si dhow ula soconaya dhinacyada isku haya saameynta gobolka.

