24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Sanaag iyo DF oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaal  beeleedka mar kale dib uga qarxay degaanno ka tirsan gobolka Sool ee Waqooyi Bari Soomaaliya, iyada oo baaq nabeed u dirtay beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya halkaasi.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeedo gobolkaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkan, wuxuuna  ugu baaqay beelaha walaalaha inay xabadda joojiyaan, isa markaana ay xalka ku raadiyaan wada-hadal iyo deganaan.

Sidoo kale wuxuu guud ahaan bulshada deegaanka ka dalbaday inay nabadda ka shaqeeyaan, ayna u istaagaan sidii loo joojiyaan colaadda qabaa’ilka.

“Waa nasiib-darro weyn in shacabka gobolka Sanaag ay wakhtigan dib ugu laabtaan dagaal sokeeye iyo aanooyinkii Soomaali curyaamiyay, balse ay iyagu ka nabad-galeen xilliyadii ugu adkaa ee dalkani soo maray. Waxaan si adag ugu baaqayaa joojinta colaadda ka soo cusboonaatay deegaanka Dawaco ee gobolka Sanaag, aniga oo labada dhinac ku boorrinaya inay si degdeg ah oo bilaa shuruud ah u joojiyaan dagaalka,” ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray Maamul-goboleedka Waqooyi Bari oo uu ka socday inuu qaado tallaabo looga hortagayo dagaal beeleedka goboka Sanaag.

“Waxaan ku boorrinayaa Maamulka Waqooyi Bari, culimada, haweenka, guurtida, dhallinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si degdeg ah uga hawlgaan daminta colaaddaas, isla markaana kala dhex-galaan walaalaha dhiiggoodu daadanayo,” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ugu dambayntii, colaaddu ma istaagayso haddaan labada dhinac si caddaalad ah loogu kala-garqaadin, nabad waartana la dhex-dhigin. Sidaasi awgeed, guurtida iyo odayaasha dhaqanka waxa saaran masuuliyad culus oo ay tahay inay si dhakhso ah u gutaan,”

Dagaalka ka socda gudaha gobolka Sanaag ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Si kastaba, soo noqoshada dagaalkan ayaa sababtay kadib markii ay Puntland halkaas kasoo saartay ciidamadii horay loo kala dhex-galay labada beelood, waxaana kadib sidaas ku bilowday dagaalka, waxaana weli is horfadhiya labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60