Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka taageerada iyo xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo howlgalka AUSSOM, iyadoo laga wada-hadlay taageerada howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Sidoo kale, waxa ay isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo isku duubnida iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ciidamada taageerada caalamiga ah, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxa AUSSOM taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo AUSSOM.
Waxaa kale oo uu xusay in wada shaqeyn hufan oo dhex-marta labada dhinac ay muhiim u tahay guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Dhankiisa, Madaxa Howlgalka AUSSOM, Mudane El Hadji Ibrahima Diene ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika in ay sii wadaan taageerada ay siinayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada amniga Soomaaliya iyo xaqiijinta nabad waarta.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli haatan dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo awoodda difaaca Qaranka iyo in mas’uuliyadda amniga dalka si buuxda loogu wareejiyo Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.
Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii lagu guda jiray todobaadkii xorriyadda mar kale ku dhawaaqay dagaal kama dambeys ah oo lagu qaadayo Al-Shabaab, waxaana haatan socda isku dabaridda Ciidamada Xoogga Dalka.

