Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa haatan saraakiil cusub usoo tababartay Booliska Soomaaliya, kuwaas oo Jimcihii si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas, iyagoo ku guuleystay shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda (Master Degree).
Saraakiishan oo afar ah ayaa si gaar ah ugu takhasusay maamulka guud iyo qorshaynta istaraatiijiga ah, oo ah aqoon muhiim u ah hoggaaminta hay’adaha amniga, horumarinta maamulka, dejinta siyaasadaha, iyo qorsheynta istaraatiijiyadda lagu xoojinayo tayada adeegyada Booliska Soomaaliyeed.
Qalin-jebinta afarta sarkaal ayaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo guud ahaan dalka, maadaama ay sare u qaadayso aqoonta iyo xirfadaha hoggaamineed ee saraakiisha loo diyaarinayo inay door muuqda ka qaataan dib-u-dhiska iyo casriyeynta hay’adaha amniga.
Sidoo kale, dhacdadani waxay leedahay muhiimad taariikhi ah, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow 40 sano oo saraakiil Soomaaliyeed ay kasoo qalinjebiyaan Jaamacad ku taalla dalka Ruushka.
Tani waxay ka tarjumaysaa inuu dib u soo noolaanayo iskaashiga waxbarasho iyo xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Ruushka, gaar ahaan dhinacyada tababarka, aqoon-is-weydaarsiga, iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda.
Waxaa la filayaa in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay saraakiishan cusub kasoo kororsadeen waxbarashadooda ay door weyn ka qaadato horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyo xoojinta qorsheynta istaraatiijiga ah ee lagu horumarinayo amniga iyo adeegyada bulshada.
Guushan ayaa sidoo kale dhiirrigelin u noqonaysa saraakiisha kale ee Soomaaliyeed ee doonaya inay sii wataan waxbarashadooda sare iyo kobcinta xirfadooda hoggaamineed.


