30 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Donald Trump iyo Sheekh Tamiim Al-Thani oo kulan ka yeelanaya xiisada Khaliijka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo kasoo baxay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Donal Trump uu kulan khaas ah la qaadanaayo Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulanka Trump iyo Tamiim uu maalinta Talaadada ka dhici doono magaalada New york.

Cad Herbert McMaster oo ah La-taliyaha dhinaca ammaanka Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka labada mas’uul uu ku qotomi doono xiisada Khaliijka iyo kaalinta Mareykanka.

Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ee dibadda ku tagay dalka Turkiga, Jarmalka iyo Faransiiska ka hor inta uusan tagin Mareykanka tan iyo markii uu khilaafka ka dhex qarxay dowladaha Khaliifka muddo ka badan 3 Bil.

Madaxweyne Donal Trump, ayaa maalmo un ka hor sheegay in uu dhexdhexaadin ka dhex bilaayo Qadar iyo dowladaha Masar, Baxreyn iyo Sacuudiga oo isku dhinac ah.

Dhinaca kale, magaalada New york ayaa waxaa ka furmayo shirka golaha loo dhan yahay ee QM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News