25.9 C
Mogadishu
Sunday, May 31, 2026

Maxaa kamid noqon doona waxqabadka ugu horeeya ee madaxweyne Waare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa Madaxweynaha cusub ee maamulka u doortay Maxamed Cabdi Waare oo helay codadka ugu badan.

Madaxweyne Waare oo guushiisa kadib wareysi gaara siiyay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in waxbadan uu ka bedeli doono maamulka.

Waare waxa uu wareysigiisa kusoo bandhigay waxqabadkiisa ugu horeeya ee ku aadan dhibaatooyinka ka jira degaanada maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay in talaabada ugu horeysa ee uu qaadi doono ay noqon doonto dib u furida wadooyinka xiran ee ku yaalla degaanada maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu tilmaamay inuu xooga saari doono sidii loo furi lahaa wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baledweyne oo uu sheegay inay tahay waddo muhiim ah.

Madaxweynuhu waxa uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono shaqa abuur loo sameeyo dhalinyarada iyo in maamulkiisa uu waxbadan ka bedelo dhammaan khaladaadka ay tabanayaan dadka deegaanka.

Waxa uu soo hadalqaaday in maamulkiisa uu ahmiyad gaara siin doono amni iyo xasilooni ka dhalata deegaanada maamulka oo qaarkood aan ku jirin gacanta maamulka.

Sidoo kale, dadka kunool degaanada maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in looga baahan yahay inay la shaqeeyan maamulka si meesha looga saaro dhibaatooyinka taagan.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynaha cusub sheegay in dhammaan dadaalada qabashadooda uu soo bandhigay la kaashan doono dowladda Dhexe iyo ciidamada AMISOM.

Haddalka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa imaanaya xili Xildhibaanada maamulka ay kaga digeen waxqabad la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News