Wasiir Juxa: Cdida ay DF kala shaqeyn doonto arrimaha HirShabelle wey caddahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya Cabdi Siciid Faarax Juxaa, ayaa shaaca ka qaday in dowlada Somalia ay si dhow ula shaqeyn doonto Hogaamiyaha cusub ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Wasiir Juxa waxa uu sheegay in dowlada Federaalka ay aqoonsan tahay keliya Hogaamiyaha cusub Maxamed Cabdi Waare oo uu sheegay inuu kusoo baxay cod aqlabiyad ah.

Wasiir Juxa waxa uu tilmaamay in dowlada Federaalka aysan aqoon saneyn maamul aan aheyn kan HirShabelle oo uu ku tilmaamay mid xalaal ah.

”Mowqifka dowlada waxa uu cadaaday markii la doortay Maxamed Cabdi Waare, waxaan qireynaa in maamulka HirShabelle uu leeyahay hal madaxweyne wixii kasoo harana aan u aqoonsan doono qaswadayaal”

Wasiir Juxa ayaa Xildhibaanada HirShabelle ugu baaqay inay ka fogaadan degdega lagu ridaayo maamulka maadaama ay jiraan dhibaatooyin badan oo heysta shacabka ku hoos nool maamulka.

Haddalka Wasiir Juxa ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan looga dhawaaqay maamul cusub oo lagu carqaladeynaayo HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com