30 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Maxay tahay sababta ay DF u aaminsan tahay in maamulka cusub ee HirShabelle uu ka duwan yahay….?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa mar kale ka hadlay howlaha ay ka filankaraan maamulka cusub ee HirShabelle.

Wasiir Juxa waxa uu sheegay in dowlada Federaal ay aad ugu han weyn tahay in HirShabelle ay xal u noqoto khilaafyada muuqda iyo kuwa aan muuqan ee ka dhextaagan maamul Goboleedyada.

Juxa waxa uu tilmaamay in maamulka HirShabelle uu ka duwan yahay maamulada kale, isla markaana la doonaayo in maamulka cusub uu ka dhabeeyo isku soo dhaweynta shacabka.

Waxa uu Juxa cadeeyay in dowlada Somalia ay aad ugu han weyn tahay maamulka cusub ee HirShabelle, waxa uuna ku nuux-nuuxsday in dowladu ay shaqooyin badan ka dooneyso Hogaamiyaha cusub ee maamulka.

”Si gaara ayaan ugu han weynahay maamulka HirShabelle waayo waxaan dooneynaa in Hogaamiyaha cusub uu si wanaagsan ula jaanqaado dowlada iyana cusub, waxaan rumeysanahay in HirShabelle ay waxbadan ka duwanaan doonto maamulada kale”

Waxa uu Juxa soo hadalqaaday in Beesha Caalamka ay muujiso taageeradeeda ku aadan degaanada maamulka Hirshabeelle si amni looga dhigo degaanada maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in si wadajir loola shaqeeyo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdi Awaare.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii Amni iyo horumar looga sameyn lahaa degaanada maamulka Hirshabeelle.

Haddalka wasiir Juxa ayaa u muuqanaaya mid taageero gaara ay dowlada Somalia ugu muujineyso Hogaamiyaha cusub ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Awaare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News