25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Dhageyso: Dowladda oo ka hadashay Khilaafka Kala Dhaxeeya Maamul Goboleedyada iyo Kiiska Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Khilaaf siyaasadeedka kala dhexeeya maamul Goboleedyada dalka ee ka dhashay arrinta Khaliijka.

Khilaafka dowlada kala dhexeeya maamul Goboleedyada ee ka dhashay arrinta Khaliijka ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Somalia Yusuf Garaad Cumar oo wareysi khaas ah siiyay Idaacada VOA.

Wasiir Garaad waxa uu sheegay in maamul goboleedyada ka jira Somalia aysan haysan sharciyad ay dowlado shisheeye heshiis kula galaan, oo howshaasi ay uga danbeeyaan dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay inay jiraan la tashiyo la’aan keentay inay adeegsadaan awooda dowlada Federaalka, balse waxa uu cadeeyay in Siyaasada dibadda ay tahay mid looga danbeynaayo dowlada Dhexe.

Waxauu Wasiirku sheegay inaanu jirin ogolaansho ay maamul Goboleedyada ka heystaan heshiisyo ay la galaan dowladaha Shisheeye, waxa uuna talaabooyinkooda ku sheegay kuwo inta badan loo maro qaabab khaldan.

Waxa uu Yuusuf Garaad carab dhabay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay inay dhageysato oo ay qanciso wixii ay tabanayaan maamul goboleeyadu balse aanan laga raali noqon doonin in lagu xadgudbo Dastuurka.

Sidoo kale, Wasiirka oo qeyb ka ah wafdi la socda madaxweynaha ee booqashada ku jooga Sacuudiga, ayaa dhinaca kale sheegay inay madaxda Sacuudiga isku afgarteen inay iskaashi sameystaan.

Waxa uu xusay in wax isbeddel ah aanu ku iman mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee dowladdu ay ka qaadatay xiisadda khaliijka.

Docda kale, Dowlada Sacuudiga ayaa iyana sheegtay inay waxbadan ka badaleyso heshiisyada ay la gasho madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Ugu dambeyntii qeybaha dhexe ee wareysiga Yuusuf Garaad ayaa wax laga waydiiyey Xiisadda Galmudug, wuxuuna sheegay inay halkaas joogaan Xildhibaan ka tirsan dowladda uusanna rabin hadda inuu ku dheeraado maadaama uu sheegay inuusan xog fiican ka heynsan.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News