Xog: Wax badan ka ogow Ujeedka uu Axmed Qoorqoor u aadi rabo cadaado iyo ballanqaadka loo sameeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Qoorqoor oo ah Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta aadaan Magaalada Cadaado inkastoo uu Madaxweyne Xaaf soo saaray Waraaq uu ku sheegay inuu joojiyey guud ahaan duulimaadyadii Cadaado tagi jiray marka laga reebo kuwa Samafalka iyo AMISOM.

Haddaba Caasimadda Online ayaa dabagal ku sameysay sababta keentay inuu Qoorqoor hoggaamiye u noqdo ololaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay meesha kaga saarto Madaxweyne Xaaf iyadoo ay wafdigiisa ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, Xildhibaan Yuusuf Geelle Dhagey iyo xildhibaano kale.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo rasmi ah oo ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Mudane Qoorqoor ayaa loo sameeyey ballanqaad aad u weyn haddii uu Cadaado kasoo hirgeliyo qaabka ay dowladda Soomaaliya wax u rabto oo ah in Meesha laga saaro Xaaf xilkaasna loo magacaabo Shaqsi dowladda Soomaaliya fikirkeeda ku shaqeeyo.

Qooqoor ayaa loo ballanqaaday in la siin doono booska Wasiirka ee Habargir ku leedahay dowladda Soomaaliya oo uu hadda ku fadhiyo Yuusuf Garaad marka la gaaro isku shaandheynta la filayo inay dhawaan dhacdo, waxaan la qorsheenayaa  in Qoorqoor loo magacaabo mid kamid ah Wasiirada (A).

Inkastoo qorshahaas socdo uuna ku qancay Qoorqoor, howshii loo dirsadana uu wado haddana waxaa laga yaabaa inuu xilkaas waayo maadaama uu ku hadlo kaliya Luuqadda Soomaaliya isla markaasna uusan aqoon sare laheyn, iyadoo shuruudaha Wasiirada (A) ay kamid tahay inuu qofka aqoon sare iyo luuqado yaqaan.

Wafdiga uu Qoorqoor hoggaaminayo ayaa la qorsheeyey inay maanta Cadaado aadaan si ay halkaas uga sameeyaan ololo lamid ah middii Cosbole xilka looga qaaday sida ay sheegeen Xildhibaanadii Shalay tagay Magaalada Cadaado oo ku dhawaaqay inay dowladda Soomaaliya faragelin ku heyso xalka loo raadinayo Galmudug.