32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

DF iyo maamullada oo si rasmi ah u ansixiyay istiraatiijiyada afarta sano ee soo socota ee…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay Istiraatiijiyadda Qaran ee la-dagaallanka musuq-maasuqa ee 2026–2030 kaddib kulan heer sare ah oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

Kulankan oo lagu qabtay Hotel Afrik 15-kii April 2026 ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha garsoorka, kormeerka iyo fulinta sharciga, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo saaxiibada horumarinta.

Kulanka aya lagu ansixinayay qabyo-qoraalka istiraatiijiyadda cusub, iyadoo diiradda lagu saaray dhameystirka qorshe mideysan oo dalka looga cirib-tirayo musuq-maasuqa, loona xoojinayo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud oo soo xiray shirka ayaa khudbad uu jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago musuqmaasuqa, isagoo tilmaamay in uu si toos ah u saameeyo kalsoonida shacabka, kobaca dhaqaalaha iyo tayada adeegyada dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in la-dagaallanka musuqmaasuqa uusan ahayn mas’uuliyad gaar u ah dowladda oo keliya, balse uu u baahan yahay ka qeybgal ballaaran oo ay yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

“Dowladdu keligeed kuma filna, waa in shacabka Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hufnaanta,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Istiraatiijiyadda NACS 2026–2030 ayaa daba socota qorshihii hore ee 2020–2023, waxaana lagu saleeyay dib-u-eegis dhammaad (end-term review) iyo qiimeyn qaran oo lagu sameeyay meelaha ugu nugul musuqmaasuqa, sida maaliyadda dadweynaha, qandaraasyada dowladda, adeegyada bulshada iyo hay’adaha kormeerka.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa sheegtay in diyaargarowga istiraatiijiyaddan uu soo maray marxalado kala duwan, oo ay ku jireen wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay hay’adaha dowladda iyo daneeyeyaasha kale, iyadoo taageero farsamo laga helay Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).

Qorshahan cusub ayaa si gaar ah u diiradda saaraya xoojinta shuruucda la-dagaallanka musuqmaasuqa, hagaajinta isku-duwidda hay’adaha, dardargelinta fulinta sharciga, iyo sare u qaadista isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadeed ee dalka.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la hirgeliyo tallaabooyin degdeg ah (quick wins) oo lagu muujinayo horumar muuqda, gaar ahaan dhinacyada dakhliga gudaha, qandaraasyada dowladda iyo nidaamyada xakameynta kharashaadka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, si loo helo hannaan mideysan oo lagula dagaallamo musuqmaasuqa, loona xaqiijiyo hirgelinta istiraatiijiyadda cusub.

Qorshahan ayaa sidoo kale la jaan-qaadaya waajibaadka caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), taas oo sare u qaadeysa kalsoonida beesha caalamka ee nidaamka maamul ee dalka.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa xaqiijisay in talooyinkii kasoo baxay kulanka lagu dari doono nuqulka kama dambaysta ah ee istiraatiijiyadda, kaas oo loo gudbin doono Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona dhaqan-geliyo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, kor u qaadidda isla-xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News