32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Maxay Soomaaliya kusoo bandhigtay shirka Mareykanka? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay fadhiga loo dhan yahay ee uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Ajay Banga, intii uu socday shirka xilliga gu’ga ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo ka qabsoomaya magaalada Washington DC.

Shirkan oo loo yaqaano matalaadda Kooxda 1-aad ee Afrika (World Bank Africa Group 1 Constituency) oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay ayaa ka mid ah labada shir ee ugu waaweyn shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF, waxaana inta badan lagu falanqeeyaa hannaanka maalgelinta ee Bangigu siiyo qaaradda Afrika.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa si gaar ah diiradda ugu saaray muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta nidaamka maareynta maaliyadda dadweynaha (PFM), iyo hagaajinta hannanka maalgashiga dalka, xilli ay jiraan duruufo dhaqaale oo caalami ah iyo caqabado saameyn ku yeeshay ilaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

Dowladda Soomaaliya ayuu sidoo kale xusay inay si habsami leh uga faa’iidaysanayso fursadaha maalgelinta iyo mashaariicda horumarineed, kuwaas oo qaarkood ay hadda ka socdaan gudaha dalka.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa magaalada Washington ka wada kulamo miro-dhal ah oo uu la yeelanayo madax sare oo ka tirsan hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, iyadoo shirka uu galay maalintiisii saddexaad.

Kulamada ugu muhiimsan ee uu Wasiirku yeeshay waxaa ka mid ahaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Ajay Banga, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyo doorka Bangigu ku leeyahay taageerada horumarinta dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Åsmund Aukrust, iyagoo ka wada hadlay horumarka dib-u-habaynta maaliyadda iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Boqortooyada Ingiriiska, IMF, Mareykanka iyo Midowga Yurub, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta dhaqaalaha, kobaca dhaqaale, caqabadaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo helitaanka maalgelinta horumarineed ee waarta.

Mas’uuliyiinta uu Wasiirku la kulmay waxaa ka mid ahaa Nick Dyer oo ka tirsan FCDO, Agaasimaha Waaxda Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya ee IMF Jihad Azour, Agaasimaha Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka Alexander Leipziger, iyo Wakiilka Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah Jozef Síkela.

Ugu dambeyn, kulamadan ayaa muujinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo ka faa’iidaysiga fursadaha maalgelinta iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News