Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan ayaa soo dhaweeyay jadwalka doorasho ee shalay uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka.
Guddiga ayaa ku dhawaaqay in 13-ka bisha May ay tahay maalinta loo qorsheeyay in deegaannada maamulka Galmudug ay ka dhacdo doorasho isku sidkan oo qof iyo cod ah, taas oo lagu dooranayo goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamul-goboleedka.
Musharrax Liibaan ayaa soo saarista jadwalka doorashooyinka maamulka ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka.
“Inkasta oo doorashooyinku ay hore u soo daaheen, haddana waxaa muhiim ah in markan lagu qabto waqtiga loo asteeyay, lagana fogaado dib u dhac kale,” ayuu Liibaan ku yiri qoraal uu soo saaray.
Wuxuu intaas ku sii daray, “Aniga oo aaminsan in Galmudug u baahan tahay isbeddel dhab ah oo nololeed, waxaan diyaar u ahay inaan hormuud ka noqdo isbeddelkaas. Haddii Eebbe idmo, waxaan rajeynayaa in la i doorto si aan u hirgeliyo horumar iyo caddaalad loo siman yahay.”
Si kastaba, maamul-goboleedka Galmudug ayaa haatan galaya maalmo xasaasi ah oo ay hareeyeen loollan doorasho, is-diido siyaasadeed, iyo dhaq-dhaqaaqyo cusub oo saameyn ku yeelan doona jihada maamulka.
Hoos ka aqriso qoraalka musharax Liibaan
Anigoo ah musharax u taagan doorashada madaxtinimada Galmudug waxaan halkaan si diirran ugu soo dhoweynayaa jadwalka doorashooyinka ee uu maantay soo saaray Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka. Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida dalka.
Waxaan si gaar ah u soo dhoweynayaa jadwalka doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ee la qorsheeyay in la qabto 13-ka May 2026. In kasta oo doorashooyinku ay hore u soo daaheen, haddana waxaa muhiim ah in markan lagu qabto waqtiga loo asteeyay, lagana fogaado dib u dhac kale.
Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Galmudug, gaar ahaan taageerayaashayda, in ay si firfircoon isu diiwaangeliyaan ayna si weyn uga soo qayb galaan maalinta doorashada.
Aniga oo aaminsan in Galmudug u baahan tahay isbeddel dhab ah oo nololeed, waxaan diyaar u ahay inaan hormuud ka noqdo isbeddelkaas. Haddii Eebbe idmo, waxaan rajeynayaa in la i doorto si aan u hirgeliyo horumar iyo cadaalad loo siman yahay.
Mahadsanidiin.

