28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Sababta ka baxsan Shabaab ee Shiinaha u hubeynayo Dowladda Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Ballanqaadkii dhowaa ee dowladda Shiinaha ay ku sheegtay inay kordhinayso taageerada milateri ee ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka turjumaya istaraatiijiyad juquraafi-siyaasadeed oo ballaaran, taas oo ka baxsan uu la-dagaallanka argagixisada.

Tallaabadan ayaa si weyn ugu xiran diidmada xukuumadda Beijing ee xiriirka u dhexeeya maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland iyo Taiwan, sida lagu sheegay maqaal cusub oo uu qoray cilmi-baare Brendon J. Cannon.

Maqaalkan, ayuu Cannon ku xusay in Shiinuhu uu Soomaaliya u ballanqaaday qalab milateri, tababar iyo iskaashi ammaan oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Tani waxay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid kaalintii Shiinaha ee Soomaaliya, taas oo horay u ahayd mid xaddidan oo taxaddar ku dhisan.

Falanqeeyaha ayaa ku doodaya in xiisaha Shiinaha ee Soomaaliya uu ku qotomo laba waddo oo waaweyn. Midda koowaad waa mid juquraafi-siyaasadeed. Cannon wuxuu sheegay in dowladda Shiinaha ay Geeska Afrika u aragto marin istaraatiijiyadeed oo muhiim ah, kaas oo isku xira Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Badda Dhexe, arrintaas oo gobolka ka dhigaysa xudun weyn oo u adeegaysa himilooyinkeeda siyaasadeed iyo kuwa ammaan ee mustaqbalka fog.

Midda labaad ayaa si gaar ah u khuseysa Soomaaliya, waxayna xiriir dhow la leedahay mowqifka Shiinaha ee ku aaddan Taiwan. Sida uu qabo Cannon, xukuumadda Beijing ayaa aad uga walaacsan in xiriirka Somaliland ay la yeelatay maamulka Taipei uu xoojin karo maqaamka caalamiga ah ee deegaan u taagan gooni-isu-taag, taas oo Shiinuhu u arko in ay la mid tahay qadiyadda gooni-goosadka ah ee uu ka diiddan yahay dhanka Taiwan.

Taageerada Shiinaha ayaa isugu jirta mid diblomaasiyadeed, gargaar horumarineed iyo iskaashi dhanka amniga ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu garab istaago ololaha dowladda Muqdisho ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Balse, saameynta dhaqaale ee Shiinaha ee Soomaaliya ayaa weli ah mid kooban marka loo eego maalgashigiisa baaxadda leh ee dalalka deriska ah sida Itoobiya.

Beddelkii uu xoogga saari lahaa mashaariic kaabayaal dhaqaale oo waawayn, Cannon ayaa doorka Shiinaha ee Soomaaliya ku sifeeyay mid xulan oo istaraatiijiyadeed, kaas oo salka ku haya isbaheysi siyaasadeed iyo difaac diblomaasiyadeed.

Falanqeyntiisa, Cannon wuxuu ku sheegay in hab-dhaqanka Shiinaha uu ka duwan yahay kan waddamada reer Galbeedka, kuwaas oo inta badan diiradda saara hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, dhismaha dowladnimada iyo tababarka hay’adaha amniga.

Dhanka kale, waddamada gobolka sida Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa isku milay taageeradooda milateri iyo danahooda ganacsi iyo kuwa kaabayaasha dhaqaalaha. Taas beddelkeeda, Shiinaha ayaa xoogga saaray ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna isku dayayaa inuu saameyntiisa ku dhiso teknoolajiyadda, la-socodka macluumaadka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha Afrika.

Is-dhexgalka sii kordhaya ee Beijing ayaa si weyn u muujinaya jawaabta ay ka bixinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay Taiwan iyo ololaha ballaaran ee Hargeysa ay ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah. Tani waxay Soomaaliya ka dhigtay mid indhaha Shiinaha ku yeelata muhiimad dheeraad ah, xilli Beijing ay isku dayayso inay ka hortagto guul kasta oo diblomaasiyadeed oo ay Taipei ka gaarto Geeska Afrika.

Labada dowladood ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa wadaaga siyaasado isku xiran oo loo kala yaqaano “Hal China” iyo “Hal Soomaaliya”, iyadoo mid walba uu si adag u diiddan yahay sheegashooyinka madax-bannaanida ee Taiwan iyo Somaliland, sida ay u kala horreeyaan.

Ugu dambeyn, Cannon wuxuu ku doodayaa in faragelinta iyo ka-qaybgalka xooggan ee Shiinaha aysan u badnayn inuu si rasmi ah wax weyn uga beddelo xaaladda ammaan ee dhabta ah ee Soomaaliya. Beddelkeed, wuxuu aaminsan yahay in saameyntiisu ay noqon doonto mid siyaasadeed oo dhalin karta in ay sii qoto-dheeraadaan khilaafaadka gudaha, ayna kordhaan tartanka gacan-ku-heynta dhulalka, awoodda iyo is-garabeysiga taageerada shisheeye.

Wuxuu si gaar ah tusaale ugu soo qaatay colaaddii Laascaanood iyo soo bixitaankii maamulka SSC-Khaatumo, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa sida murannada maxalliga ah ay si isdaba-joog ah ugu milmayaan loollanka gobolka iyo kan caalamiga ah.  

- Advertisement -

Read more

Local News