28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Abiy Axmed: Gees Afrika nabad lagu wada joogi maayo haddii Itoobiya aysan bad helin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Geeska Afrika aanu heli doonin nabad waarta ilaa dalkiisu helo marin badeed, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay tahay mid si toos ah ugu xidhan mustaqbalka Itoobiya iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC, kana baxay laba qaybood, ayuu Abiy ku sheegay in Itoobiya ay caqabado waaweyn kala kulmeyso horumar la’aanta ka dhalatay deked la’aanta, taas oo uu sheegay inay ka hor istaagtay inay si buuxda uga qayb gasho tartanka warshadaha iyo ganacsiga caalamiga ah.

“Waxyaabaha ugu waaweyn ee Itoobiya u diidaya inay noqoto dal quudiya muwaadiniintiisa, isku filan, isla markaana geli kara tartan caalami ah, waa deked la’aan,” ayuu yiri.

Abiy ayaa sheegay in arrinta badda ee Itoobiya aysan ahayn oo keliya dan qaran oo gudaha ah, balse ay tahay mowduuc ay tahay in dhammaan shacabka iyo hay’adaha sheeganaya inay ka walaacsan yihiin horumarka iyo nabadgelyada Geeska Afrika ay si gaar ah u eegaan.

Hadalladiisa ayaa imanaya xilli xiisadda ka taagan Bariga Dhexe iyo xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ay saameyn ku yeesheen dalal badan, oo ay Itoobiya ku jirto. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dhibaatadaasi ay sii muujisay nuglaanta dalkiisa ee dhinaca marin-u-helka badda iyo shidaalka.

Wuxuu dadka ugu baaqay inay yareeyaan isticmaalka shidaalka ilaa laga xallinayo yaraanta jirta, isaga oo sheegay in dagaalka ka socda Bariga Dhexe uu “waxyeelo weyn” ku hayo waddamo badan oo Afrikaan ah, gaar ahaan kuwa aan lahayn marin badeed.

“Waxay ila tahay in qof kastaa si fudud u fahmi karo in marin-biyoodka Hormuz ay tahay arrin nolol iyo geeri ah,” ayuu yiri, isaga oo farta ku fiiqay saameynta ka dhalatay xiritaanka marinkaasi.

“Jaarkeena waa inay fikiraan, duniduna waa inay fikirtaa,” ayuu yiri mar kale, isaga oo intaa ku daray in wada-shaqeynta lala yeesho dalalka deriska ah aysan kaligeed ku filnayn xalinta mushkiladda.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay inaysan sax ahayn in Itoobiya, oo uu ku tilmaamay dalka 10-aad ee adduunka ugu dadka badan, ay sii ahaato dal aan lahayn marin badeed.

“Itoobiya, oo ah dalka 10-aad ee adduunka ugu dadka badan, horey uma qabin dhibaato deked la’aan ah markii ay suurtagal ahayd in si fudud loo helo dekedo iyada oo loo marayo sharciyada ganacsiga iyo wada xaajoodka,” ayuu yiri.

Khudbaddiisa ayuu ku sheegay in aagga u dhexeeya Massawa iyo Muqdisho uu hodan ku yahay khayraad badan, balse waxa uu ku eedeeyay “arxan-darro, aamusnaan, kalsooni la’aan iyo rabitaan la’aan” inay Itoobiya ka hor istaageen helitaanka marin badeed.

“Shan kun oo kiiloomitir oo ka bilaabma cirifka Massawa ilaa cirifka Muqdisho, aaggaas waxa ku jira khayraad aad u badan. Laakiin arxan-darrada, aamusnaanta, kalsooni la’aanta iyo rabitaan la’aanta ah in Itoobiya la siiyo marin badeed waxba ma tari doonaan,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay hadda ka shaqaynayso xalal dhowr ah oo muddo-gaaban ah si loo yareeyo saameynta deked la’aanta, kuwaas oo ay ka mid yihiin tareenno, goobo alaabaha laga dejiyo iyo waddooyin waaweyn.

“Waxa ka mid ah tareen, goobo alaabaha laga dejiyo iyo waddo weyn,” ayuu yiri, isaga oo xusay in tallaabooyinkaasi gacan ka geysan karaan in qiimuhu hoos u dhaco, lana yareeyo kharashaadka la xiriira ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti.

Hase yeeshee, Abiy wuxuu ku adkaystay in xal waara uusan iman karin ilaa Itoobiya hesho marin badeed rasmi ah. Wuxuu sheegay in haddii arrintaas la xallin waayo, aysan keliya Itoobiya la kulmi doonin koriimo la’aan, balse sidoo kale gobolka oo dhan uusan gaari doonin isbeddel dhab ah.

“Haddii ay Itoobiya heli waydo badda, kaliya Itoobiya kuma dhacayso koriimo la’aan, balse gobolka oo dhan isbeddel ma arki doono, duurjoogtu nabad ma ahaan doonto, ganacsiga adduunkuna khalkhal ayuu geli doonaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in ganacsiga adduunka ay tahay in door muuqda ku yeeshaan dalalka waaweyn ee saamaynta leh sida Itoobiya, isaga oo sheegay in waddamada yaryar aysan buuxin karin kaalintaas haddii Itoobiya ay arrintan ka gaabiso.

Sababtaas awgeed, ayuu yiri, arrinta marin-badeedka Itoobiya waa in lagu wajahaa wada xaajood nabadeed, halkii ay ku ekaan lahayd dood siyaasadeed oo keliya.

“Qof kasta oo dhow ama fog oo u haysta in Itoobiya ay luminayso marinkeeda badda waa doqon,” ayuu yiri.

“Kuma fikiri kartid horumar adigoo iska indha tiraya arrin nolol iyo geeri ah. Haddii aanan arrimahan la xallin, ma noqon karno dal la tartami kara dunida.”

Markii Abiy uu laba sano ka hor si cad uga hadlay baahida Itoobiya u qabto marin badeed, hadalladiisu waxay buuq ka dhex abuureen guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, oo muran kala dhex dhigay labada dal.

Itoobiya ayaa hore u isticmaali jirtay dekedda Casab ee Eritrea ka hor intii aysan Eritrea ka go’in Itoobiya inteeda kale. Sanadihii dambe, dalkaasi wuxuu si weyn ugu tiirsanaa dekedda Jabuuti, halkaas oo uu badeecadihiisa kala soo dego.

- Advertisement -

Read more

Local News