28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Heerka naceybka Israa’il ee Mareykanka – Maxaa ka dhacay Aqalka Senate-ka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Aqlabiyad weyn oo ka tirsan mudaneyaasha xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa Arbacadii u codeeyay in la hakiyo hubka cusub ee Mareykanku ka iibiyo Israa’iil, arrintaas oo calaamad muuqata u ah sida xisbigani uu si xawli ah uga fogaaday taageeradiisii shuruud la’aanta ahayd ee uu horay u siin jiray hubeynta Israa’iil.

Laba qaraar oo uu soo jeediyay Senator Bernie Sanders, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in la joojiyo iibinta cagaf-cagafyada gaashaaman iyo bambooyinka culeyskoodu yahay 1,000-ka rodol (pound), ayaa laga guuleystay, balse waxay taageero buuxda ka heleen inta badan mudaneyaasha Dimoqraadiga ee aqalkaas.

Senate-ka ayaa codad dhan 40-59 ku diiday qaraarka lagu hakinayay iibinta cagaf-cagafyada, halka codad dhan 36-63 lagu diiday qaraarka ka dhanka ahaa iibinta bambooyinka.

Tallaabooyinkan ayaa bartilmaameedsanayay hub iibintiisu ay ku kacayso ku dhawaad $446.8 milyan oo dollar, oo ay ku jiraan $295 milyan oo lagu bixinayo cagaf-cagafyo gaashaaman iyo $151.8 milyan oo ah bambooyinka 1,000-ka rodol ah.

Senator Sanders ayaa sheegay in hubkan loo adeegsaday Gaza, Lubnaan iyo dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, wuxuuna ku dooday in iibintani ay dhalinayso walaac xooggan oo lid ku ah sharciga Mareykanka, gaar ahaan Xeerka Kaalmada Shisheeye iyo Xeerka Xakameynta Dhoofinta Hubka.

Codbixintan ayaa si weyn bannaanka u soo dhigtay kala-qaybsanaanta soo dhex gashay safafka xildhibaanada Dimoqraadiga. Afartan (40) ka mid ah 47-da mudane ee Dimoqraadiga u matala Aqalka Senate-ka ayaa u codeeyay in la joojiyo cagaf-cagafyada la siiyo milateriga Israa’iil, halka 36 ay u codeeyeen in laga joojiyo bambooyinka.

Tani waxay ka dhigan tahay in ku dhawaad 85 boqolkiiba mudaneyaasha Dimoqraadiga ee Senate-ku ay taageereen ugu yaraan tallaabooyin lagu xakameynayo Israa’iil si aysan u sii wadin ololaheeda isir-sifeynta iyo burburinta guryaha Falastiiniyiinta, taasi oo ah tiro aan abid horey loo arag.

Xubno sare oo ka tirsan Dimoqraadiga, oo uu ku jiro Hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee Senate-ka Chuck Schumer, Kirsten Gillibrand iyo John Fetterman, ayaa ka horyimid in la hakiyo iibinta hubka, iyagoo garab istaagay dhammaan ama ku dhawaad dhammaan mudaneyaasha xisbiga Jamhuuriga.

Si kastaba ha ahaatee, codbixintan ayaa si buuxda ula jaanqaadaysa isbeddel siyaasadeed oo ballaaran oo ka dhex socda Xisbiga Dimoqraadiga. Codbixin ra’yi ururin ah oo ay samaysay hay’adda Pew (Pew poll) oo bishan la daabacay, ayaa muujisay in 80 boqolkiiba taageerayaasha Dimoqraadiga iyo kuwa madax-bannaan ee u janjeera xisbigaas ay hadda aragti taban ka qabaan Israa’iil, taas oo ah sare u kac weyn marka loo eego 69 boqolkiiba sanadkii hore iyo 53 boqolkiiba sanadkii 2022-kii.

Isbeddelkaas ayaa si isa soo taraysa uga dhex muuqda dhismaha Capitol Hill ee xarunta baarlamaanka Mareykanka.

Codbixintii shalay ayaa loo arkaa caddayn dheeraad ah oo muujinaysa “niyad-jabka sii kordhaya” ee Dimoqraadigu ka qabo taageerada milateri ee Mareykanku siiyo Israa’iil. Joojinta taageerada Mareykanka ee dalkaas oo markii hore ahayd aragti naadir ah oo laga faquuqo Koongareeska, ayaa hadda noqotay mowqifka ugu weyn ee xisbiga Dimoqraadiga.

Cadaadiska ayaa sidoo kale ku sii kordhaya Chuck Schumer, kaas oo u muuqda mid ka leexday jihada aqlabiyadda saldhigga xisbigiisa. Maalmihii ka horreeyay codbixinta, ku dhawaad 100 qof oo dibadbaxayaal ah ayaa lagu xiray magaalada New York kaddib markii ay dalbadeen in Schumer iyo Gillibrand ay taageeraan qaraarada Sanders.

Kadib markii Schumer uu diiday qaraarka, Xildhibaan Ro Khanna ayaa si fagaare ah ugu sheegay inuu “meesha banneeyo,” isagoo ku eedeeyay inuu gabi ahaanba ka dhex baxay xisbiga iyo shacabka Mareykanka.

In kasta oo qaraaradii Sanders ugu dambeyn la diiday, baaxadda taageerada Dimoqraadiga ayaa astaan u ah heer cusub oo ay gaartay mucaaradnimada Koongareeska ee ku aaddan hubeeynta Israa’iil.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in codbixintu ay muujisay “walaac sii kordhaya oo ka dhex jira Dimoqraadiga”, halka wargeyska The Guardian uu natiijadan ku sifeeyay mid caddaynaysa in xisbiga dhexdiisa uu ka socdo olole xooggan oo lagu doonayo in si dhow loola socdo iibka hubka, iyadoo laga falcelinayo burburka baaxadda leh ee Gaza iyo colaadda sii fidaysa ee gobolka.

Madaxda Dimoqraadiga ee weli u ololaynaya gargaarka milateri, digniintan siyaasadeed ayaa noqonaysa mid ay adag tahay in la iska indho-tiro. Codbixiyeyaasha xisbigu waxay si xooggan ugu janjeersanayaan dhanka difaacida xuquuqda Falastiiniyiinta, codbixintii Arbacadiina waxay si cad u muujisay in inta badan xubnaha Dimoqraadiga ee Senate-ku ay hadda la jaanqaadayaan isbeddelkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News