Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni kadib markii uu dhamaaday muddo-xileedka baarlamaanka, iyadoo baaq degdeg ahna u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Madaxweynaha loogu baaqay in uu qabto shir degdeg oo ay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasadda, si heshiis looga gaarayo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, ka hor dhammaadka muddo xileedkiisa.
“Dowladda Puntland waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ugu baaqaysaa in uu badbaadiyo jiritaanka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, una qabto shir deg deg ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Baaqan ayaa imanaya xilli dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo u baahan go’aan mideysan, si loo helo xal wada-ogol ah oo lagu wajaho kala-guurka siyaasadeed, loogana fogaado firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka
Golaha Xukuumadda Dowlada Puntland oo maanta, 16 April 2026, shirkooodi caadiga ahaa ku yeeshay Caasimadda Garoowe ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee hareysay hannaanka iyo sharciyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golaha Xukuumadda Dowlada Puntland wuxuu caddeynayaa in si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 60-aad uu 14-kii April 2026 dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sidoo kale ku eg 15-ka May 2026 sida ku cad qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah.
Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad hubanti la’aan dastuuri ah, Dalka ayaana qarka u saaran burbur siyaasadeed iyo qalalaase amni.
Sida darteed, Dowladda Puntland waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ugu baaqaysaa in uu badbaadiyo jiritaanka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, una qabto shir deg deg ah, ka hor inta aan muddo xileedkiisu dhammaan, si xal wada oggol ah looga gaaro doorashooyinka hay’adaha Federaalka Dalka ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

