Nairobi (Caasimada Online) — Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa difaacay qorshe lagu dhisayo xarun karantiil oo Mareykanku taageerayo, taas oo laga hirgelinayo saldhig ciidan oo ku yaalla bartamaha Kenya, kadib markii dibadbaxyo looga soo horjeeday qorshahaas ay sababeen dhimasho iyo caro dadweyne.
Laba qof ayaa Isniintii lagu dilay magaalada Nanyuki, oo ku dhow saldhigga ciidamada cirka ee Laikipia, xilli boqolaal qof ay ka banaanbaxayeen qorshaha xarunta. Abaabulaha dibadbaxa iyo ilo amni ayaa sheegay dhimashada, balse duruufaha ay ku dhinteen labada qof weli si rasmi ah looma caddeyn.
Xaruntan oo la sheegay inay qaadi karto 50 qof ayaa loogu talagalay in lagu karantiilo muwaadiniin Mareykan ah oo laga yaabo inay la kulmeen fayraska Ebola, balse aan weli lahayn calaamadaha cudurka.
Dadka deegaanka, hoggaamiyeyaal maxalli ah, qareenno iyo dhakhaatiir ayaa si weyn uga horyimid qorshaha, iyagoo dowladda ku eedeeyay inaysan si cad u sharraxin sababta Kenya loogu keenayo dad Mareykan ah oo halis ugu jira Ebola, xilli cudurku ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo iyo Uganda.
Ruto, oo markii ugu horreysay si furan uga hadlay qorshahaas, ayaa sheegay in Kenya ay waajib ku tahay inay u diyaar garowdo kiis kasta oo Ebola ah.
“Waan ognahay waxa aan sameyneyno,” ayuu Ruto u sheegay wariyeyaasha isaga oo ku sugan waqooyiga Kenya.
Maxkamad dalbatay faahfaahinta heshiiska
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa toddobaadkii hore si ku-meel-gaar ah u hakisay qorshaha, kadib markii dacwad lagu sheegay in xaruntu khatar gelin karto caafimaadka dadweynaha, isla markaana aan shacabka si ku filan loogala tashan.
Amarka maxkamadda ayaa dowladda ka hor istaagay inay Kenya soo geliso qof la kulmay ama qaba Ebola, inta maxkamaddu ay sii dhageysaneyso kiiska.
Go’aan cusub oo Talaadadii kasoo baxay maxkamadda, garsoore Patricia Nyaundi ayaa dowladda ku amartay inay shaaciso faahfaahinta buuxda ee heshiis kasta, is-afgarad, qabanqaabo ama wada-hadal ay la gashay dowladda Mareykanka ee la xiriira xarunta la qorsheeyay.
Garsooraha ayaa sidoo kale dalbatay in la shaaciyo qiimeyn kasta oo laga sameeyay caafimaadka dadweynaha, deegaanka, badqabka noolaha iyo amniga, iyo sidoo kale oggolaanshaha laga helay baarlamaanka ama hay’adaha kale ee sharciyeynta.
Waxay kaloo sheegtay in dowladda ay dadweynaha u soo bandhigto habraacyada lagu maamulayo gelitaanka, la tacaalidda, karantiilka iyo daaweynta dadka la kulmay fayraska Ebola.
Amarkan ayaa ka dhashay dacwad ay gudbiyeen koox xuquuqda aadanaha u dooda iyo Ururka Qareennada Kenya, kuwaas oo doonaya in la joojiyo dhismaha xarunta ama in Kenya la keeno dad qaba ama la kulmay Ebola.
Ruto hadalkiisa kuma xusin amarka maxkamadda.
Wuxuu sheegay inuu ansixiyay qorshaha kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Kenya ka codsaday inay taageerto, isaga oo tusaale u soo qaatay iskaashi muddo dheer soo socday oo Nairobi iyo Washington ka dhexeeya, gaar ahaan barnaamijyada caafimaadka sida HIV/AIDS, Ebola iyo COVID-19.
Dibadbax iyo walaac deegaanka ah
Ruto ayaa sheegay in Kenya ay diyaarisay xarumo lagu baaro, lagu karantiilo laguna daweeyo cudurrada faafa oo ku yaalla 23 ismaamul, wuxuuna ku adkeystay in xarunta Laikipia aysan kaliya u adeegi doonin ajaaniib.
Wasiirka Caafimaadka Kenya Aden Duale ayaa isna difaacay mashruuca.
“Xarunta Laikipia qof walba ayay u furan tahay,” ayuu yiri Duale.
“Yaan arrintan laga dhigin siyaasad,” ayuu raaciyay, isaga oo sheegay in Kenya ay tababartay in ka badan 1,000 shaqaale caafimaad, isla markaana ay diyaarineyso xarumo karantiil, go’doomin iyo daaweyn ah.
Hase yeeshee, walaaca ayaa ku sii kordhay gobolka Laikipia, halkaas oo dadka deegaanka ay Isniintii ku soo baxeen waddooyinka, kuna dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan in Ebola loo keeno dalkooda.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in bulshada Nanyuki ay ka baqeyso in xaruntu ay halis geliso dadka ku nool agagaarka saldhigga.
Guddoomiyaha Laikipia, Joshua Irungu, ayaa ka mid ah dadka sida cad uga horyimid xarunta, isagoo yiri: “Tani waxay dadkeenna u soo bandhigeysaa Ebola.”
Machadka Katiba, oo ka mid ah dhinacyada dacwadda geeyay maxkamadda, ayaa sheegay in qorshuhu uu dhalinayo walaac culus oo la xiriira xuquuqda nolosha, caafimaadka, ka-qeybgalka dadweynaha iyo doorka baarlamaanka.
Xiisadda ayaa kusoo beegmeysa xilli DR Congo iyo Uganda ay la tacaalayaan nooc naadir ah oo Ebola ah oo loo yaqaan Bundibugyo. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa bishii May cudurkan ku tilmaamay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalami ah.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in cudurka markii hore lagu xaqiijiyay gobolka Ituri ee waqooyi-bari Congo, kadib dhimashooyin aan la sharraxin oo qaarkood ku dhacay shaqaale caafimaad. Kiisas kale ayaa markii dambe laga helay Uganda, gaar ahaan dad kasoo safray Congo.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in xarunta Kenya loogu talagalay muwaadiniin Mareykan ah oo la kulmay fayraska balse aan weli xanuunsan. Haddii qof calaamado yeesho, waxaa la sheegay in loo wareejin doono goob kale oo daaweyn ah oo ka baxsan Mareykanka.
Ruto ayaa sheegay in Kenya ay xoojisay baaritaanka xudduudaha dhulka iyo garoomada diyaaradaha, isla markaana maalin kasta la baaro ku dhowaad 3,000 oo qof. Wuxuu sheegay in Kenya aan weli laga helin wax kiis Ebola ah.
“Waxaan nahay dowlad mas’uul ah,” ayuu yiri.

