Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga oo goor dhow kasoo degay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay diplumaasiyiin ka tirsan Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Safiir Olgan Baker, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Maxamed Axmed Jimcaale Geedi iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa waxaa loo galbiyay xarunta Safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Somalia.

Taliyaha ayaa ka qeybqaadan doona munaasabadda xariga looga jarayo Xero Ciidan oo Turkiga uu ka hirgeliyay duleedka magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro Ciidamada.

Saldhigan Dhexdiisa waxaa laga dhex furay Saddex Dugsi oo nooca ciidanka lagu tababaro ah, taasi oo Ciidamada Soomaalida u saamixi doonta inay helaan tababar wanaagsan oo ku filan xaga Khibrada ciidanka ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamo hubeysan, meelaha qaar xitaa looma ogola in ay maraan gaadiidka dadweynaha.

Dhinaca kale, dowladda Erdogan ayaa saaxiib dhow la’ah Somalia oo ay ka saacidan dhinacyo badan sida taageerada ciidanka, midda amniga iyo mida arrimaha Bulshada intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com