Boosaaso (Caasimada Online) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiim C/llaahi Xaaji ”Camey” oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay qaadaceen shirka la filaayo inuu ka dhaco magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Cameey ayaa sheegay in mas’uul ka tirsan maamulka Puntland uusan ka qeybgali doonin shir uu Axmed Madoobe magaalada Kismaayo ugu qabanaayo maamul Goboleedyada dalka.
Cameey waxa uu sheegay in Puntland ay shaki ka qabto in shirkaasi lagu xalinayo khilaafka madaxda Maamul goboleedyada iyo dowladda, balse waxa uu tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid dabin loogu dhigaayo Puntland.
Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo shirkaasi,Isla markaana aysan jirin cid Puntland ku matali karta oo tagi karta madasha Shirka.
Maamul gobaleedyada ayaa waxaa lagu Waday inay ka Shiraan xiisada Khaliijka iyo mowqifka ay ka qaateen Maamul gobaleedyada arintaas, maadaama Dowlada Dhexe ay horey u sheegtay inay Dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka.
Inta badan maamul Goboleedyada ayaa u diyaar garoobayay tegitaanka Kismaayo si ay shirkaas uga qeyb galaan, waxa ayna warar kale sheegayeen in dowladda ay wado qorsho lagu joojinaayo furitanka shirkaas.
Ilaa iyo hada lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Maamul gobaleedyada kale sida Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

