27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Gacan hayihii Axmed Shariif oo Xabsiga la dhigay iyo faahfaahin kasoo baxeyso qaabka ay gacanta uga jabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in xabsiga la dhigay gacan hayihi  Musharax Axmed Shariif kadib markii Maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Cadaado.

Ninka la xiray oo lagu magacaabo Liibaan Shuluq ayaa la sheegay inuu Maanta ka tagay Magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa muddoo 3 Maalin ah, wuxuuna markii hore kamid ahaa dadkii Cadaado u raacay Axmed Shariif oo ah Musharax doonayo inuu xilka ka tuuro Madaxweynihii ka guuleystay.

Ninka la xiray oo markiisii hore ahaan jiray gacan yahihii Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa qabtay Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug oo ay isku heeb yihiin kuwaas oo u dhaadhiciyey xabsiga hoose ee Cadaado.

Intii ay socotay qabashadiisa ayaa la sheegay inay halkaas ka dhacday rabshad yar kadib markii uu isku dayey inuu baxsado Liibaan Shuluq, waxaana la sheegay inuu ka jabay mid kamid ah Gacmihiisa.

Sida aan xogta ku heleyno Ciidamo ka tirsan kuwa taabacsan Axmed Shariif ayaa isku dayey inay soo furtaan Liibaan Shuluq balse waxay ogaadeen in dadka heysto ay yihiin dad ay ehel yihiin isla markaasna ka tirsan Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa Liibaan Shuluq ku eedeeyey inuu kamid ahaa dadka doonayey inay meesha ka saaraan Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalana waa ninkii qaban qaabiyey kulankii ay Baarlamaanka Galmudug ku yeesheen Hotelka u kireysan Axmed Shariif ee 17 Xildhibaan xilka uga qaadeen Xaaf.

Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inuu liibaan Shuluq Diyaarad Muqdisho uu ka raacay uu isku diiwaan geliyey magac aad midkiisa aheyn, waxaa ninkaan magaciisa la yiraahdaa (Liibaan Axmed Xasan) oo ku magac dheer Liibaan Shuluq

Magaalada Cadaado ayaa dagan, waxaana laga yaabaa in Axmed Shariif berri diyaarad laga soo saaro magaalada Cadaado loona soo gudbiyo magaalada Muqdisho inkastoo warkaas aan la hubin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News