28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Dhageyso Xoosh: Waan ka xumaanay baaqashada shirka dastuurka wada hadal ayaana socda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalma ka hor waxaa dib u dhac uu ku yimid shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka dalka kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya kadib markii ay qaadaceen shirkaas Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowlad goboleedyada .

Wasiirka Wasaaraddaasi C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in baaqashada shirkaan ay ka faaa’ideen qibrado badan, hadana ay jiraan wada hadallo iyo sidii mar kale shirkaasi uu ku dhici lahaa.

Wasiir Xoosh ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay mar kale qaban doonto shirkaas kaas oo ah mid dib u eegis lagu lagu sameynayo Dastuurka dalka oo ah weli mid qabyo ah.

“Waxaan idiin sheegayaa inaan loo qaadan shirkii waa dhici waayay dhibaato weyn inay tahay, inuu dhaco waan rabnay, laakiin ma dhicin, waxaan qabaa inay tahay horumar weyn oo aan gaarnay haddii shirkii aan qaban qaabinnay inta joojiya nala dhahay aan joojinnay, hadana wada hadallo badan ayaa socda.” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Wasiir Xoosh ayaa Muqdisho keenay xubno badan oo Qurba joog ah, kuwaasi oo loo qorsheeyay inay ka qayb galaan Shirka Dastuurka haddiib ay suuragasho inuu qabsoomo Shirkaasi.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili weli ay dhaliil muujinayaan Wasaaradaha Dastuurka Maamul goboleedyada, taas oo Wasaarada Dastuurka dalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay xal ka gaarto.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Wasiir Xoosh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News