27.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

DF oo u yeertay madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka (Ujeedka)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ah ee Somalia ay casuumaad rasmi ah u sameysay Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Dowlada ayaa sheegtay in dhammaan Hogaamiyayaasha ku shiray magaalada Kismaayo laga sugaayo magaalada Muqdisho, si looga wada hadlo masiirka dalka.

Waxa ay dowladu tilmaantay inay ka go’an tahay sidii loo xojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

C/raxmaan Cumar Cusmaan ”Yariisow”, oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa xaqiijiyay in casuumaada looga gol leeyahay xalinta tabashooyinka jira isla markaana laaga wada tashan lahaa amuuraha khuseeya dalka.

Wasiirka oo arrinta casuumaada ka hadlaayay ayaa yiri ”Baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laah Maxamed (Farmaajo) ee ahaa midnimada iyo wadajirka in laga wada shaqeeyo ayaa saldhig u ah casuumaada loo fidiyay Hogaamiyayaasha”

”Sidaasi darteed Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u dirayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wadashaqeynta.”

Dhinaca kale, Wasiirku ma uusan sheegen xiliga rasmiga ah ee Hogaamiyayaasha laga sugaayo inay kusoo gaaran magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News