Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, gaaray qaar kamid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ee la dhigay dhaawacyadii ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay Isbitaalada uu booqday, waxa uuna sidoo kale ku baaqay in loo gurmado dadka ay waxyeeladu gaartay.
Farmaajo oo ay la socdaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda, ayaa lagu soo waramayaa inay indhahooda ku arkeen dhibaatada soo gaartay shacabka, kadib markii Isbitaalada ay tageen.
Dareenka Shacabka Soomaaliyeed ayaa ah mid aad u kacsan, Isbitaalada Magaaladana waxaa buux dhaafiyay Boqolaal dadweyne ah oo la murugeysan dhibaatada dhacday.
Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Seddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii qaran ee ka dhalatay qaraxyadii Muqdisho.


