Gen. Dhego Badan oo ku qamaamay Ciidamada DF ee SH.Hoose.

Saraakiil uu hogaaminayo Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaiya Dhaga badan ayaa gaaray degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose oo Xiisad ay ka taagan tahay.

Ujeedka Ciidamadan ay u gaareen degmada Marka ayaa waxaa ay tahay sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen Howlgalo amaanka lagu sugayo iyo qaadida isbaarooyin yaala Inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo Marka.

Shabakada Caasimada oo goordhow la xiriirtay Afhayeenka Ciidamada Xooga dalka Jen. Gacma-duule ayaa sheegay inay ku howlan yihiin qaadista isbaarooyin ay dhigteen sida uu hadalka u dhigay kooxo maleeshiyaad ah waxaana uu tilmaamay inay maanta iyo shalay ay qaadeen dhowr isbaaro oo gobolka Shabeelaha hoose kamid ah.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa waxaa uu intaa raaciyay inaysan ogaalan doonin isbaarooyin dambe lagu arko Gobolkaas oo dhan.

Howlagalkan qaadista Isbaarooyinka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Madaxwaynaha Soomaaliya uu sheegay inuusan aqbali doonin isbaarooyinka yaala Muqdisho iyo Gobolada dalka si deg deg ahna lagu qaado.

Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada dalka iyo Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Arintan