Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Liverpool ayaa isha ku heysa inay dib ula soo saxiixato Thomas Ince., kaasoo haatan u ciyaara Blackpool, waxaa lagula soo wareegi karaa 6 milyan oo ginni. Reds ayaa 20-jirkan 18 bilood ka hor 250 kun uga iibisay Blackpool (Daily Mirror)

Tababaraha kooxda Crystal Palace Ian Holloway ayaa ku canantay dhigiisa kooxda Arsenal Arsene Wenger  hadalkii ahaa inay xiiseynayaa 20-jirka England u dhashay Wilfried Zaha (The Sun)

Madaxweynaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa sheegay inaysan kooxdiisu dooneyn inay Janaayo dib ula soo saxiixato 22-jirka weerarka uga ciyaara Manchester City Mario Balotelli (Gazzetta dello Sport)

Wesley Sneijder ayaa sheegay inuusan ogeyn inuu sii joogayo kooxdiisa Inter Milan iyo in kale, 28-jirkaan ayaa lala xiriirinayaa Manchester United, Schalke iyo kooxda Ruushka ee Anzhi (Metro)

Malaga ayaa sheegtay inay qandaraas la gelayaan 20-jirka Isco inkastoo ay xiiseynayaan Manchester United iyo Manchester City (Talksport)

Manchester United ayaa lasoo wareegi karta 24-jirka qadka dhexe ee dalka Germany Mesut Ozil, kaasoo lasoo werinaayo inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa Real Madrid ka dib markii uu booskiisa u waayey Luka Modric (The Sun)

Tababaraha cusub ee QPR Harry Redknapp ayaa ka fikiraaya inuu Janaayo lasoo wareego 28-jirka weerarka uga ciyaara Aston Villa Darren Bent (Daily Mirror )

Chelsea ayaa lala xiriirinaya inay lasoo wareegto 28-jirka weerarka uga ciyaara Bayern Munich Mario Gomez iyadoo uu milkiile Roman Abramovich isha ku haayo inuu Janaayo kooxda u dhiso tababare Rafa Benitez (Caught Offside)

Benitez ayaa sidoo kale isha ku haya inuu kooxda keeno 22-jirka weerarka ka ciyaara ee u dhashay dalka Jarmalka Andre Schurrle, ciyaaryahanka Bayer Leverkusen ayaa sidoo kale diirada u saarnaa macalinkii hore ee kooxda laga raacdeeyey Roberto Di Matteo (Daily Mirror)

Daafaca dambedka midig ee reer Brazil Wallace, oo 18-jir ah, ayaa cadeeyey inuu Fluminense kaga soo dhaqaaqi doono Chelsea ugu dambeyn bisha Janaayo marka uu suuqu furmo (Skysports.com)

Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa dafiray wararka xanta ah ee sheegaya inuu iibinaayo Jermain Defoe kaasoo lala xiriirinaayey inuu Harry Redknapp kula midoobayo QPR (Metro )

29-jirka qadka dhexe uga ciyaara AS Rome Daniele De Rossi ayaa iska indha tiri doona xiisaha ay u qabaan Manchester City iyo Chelsea isagoo ku biiri doona midkood Paris St-Germain ama Real Madrid (Talksport)

Manchester United ayaa iska ku heysa da’yarka qadka dhexe uga ciyaara Chelsea Conor Hunte. 16-jirkaan ayaa weli la gaarin da’dii uu heshiis rasmi ah ugu saxiixi lahaa kooxda Stamford Bridge wuxuuna sidoo kale soo jiitay Manchester City iyo Liverpool (Daily Mail)

 

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.