Qarax ka dhacay Marka mar kale.

Wararka degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose laga helayo ayaa sheegaya in qarax qasaaro gaystay uu ka dhacay degmadaas oo ciidanka dowlada iyo Amisom ay taageeraan.

Qaraxaani oo ahaa Bambada Nuuca Gacanta laga Tuuray ayaa Waxaa lala Eegtay Saldhiga Ciidamada Dowlada ay kuleyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu waxyeelo kasoo gaaray Ciidamo ku jiray saldhiga oo qaarkood dhaawac uu soo gaaray.

Axmed Macalin Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Dagmada Marka oo Qaraxa kadib la hadlay ayaa Warbaahinta u Sheegay inay ku daba jogaan Kooxihii Qaraxaasi ka dambeyey oo uu Sheegay Gudoomiyuhu inay Isaga baxsaden Goobta baaritaanana hada ay Socdaan sida uu Sheegay Gudoomiyaha Dagmada Marka.

Ma Jirto cid sheegatay Masuuliyada qaraxa waxaana uu yimid xili maanta uu socdo howlgal lagu qaadayo Isbaarooyinka yaala Shabeelaha hoose