Axmed Daaci “DF Ciidan hala timaado, ciidamadeyda ma shaqaynayaan”.

Axmed Xasan Cadoow Axmed Daaci Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Dowladda Soomaaliya oo maant warbahinta shir ugu qabtay xarunta Degmada Wadajir ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan ciidankiisa ay ku guuleesteen inay qaadaan isbaarooyin yaalay Degmadaasi.

Wuxuu sheegay in maanta laga bilaabo ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Wadajir aysan jirin lacag ay ka qaadayaan gaadiidka isticmaala guud ahaan Degmadaasi.

Ciidamada ayuu sheegay inay ku sugan yihiin goobaha ay yaaleen isbaarooyinka islamarkaana aysan jirin lacago ay gaadidka ka qaadayaan.

Dowladda Somaaliya ayuu sheegay in muddo isbuuc kadib looga baahan yahay inay ciidan keensato goobaha laga qaaday isbarooyinka si ammaanka goobahaasi Dowladda Soomaaliya ay uxaqiijiso.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kawada howlgalo isbaarooyin qaadis ah taasi oo ammaanka Degmooyinka Gobalka Banaadir looga fulinayo amarka Madaxweynaha Dowladda Soomaliya.