Messi, Iniesta iyo Ronaldo oo isugu soo haray Fifa Ballon d’Or.

Fifa iyo majalada France Football  ayaa xaqiijiyey inay Lionel MessiAndres Iniesta iyo Cristiano Ronaldo isugu soo hareen sedaxda ciyaaryahan ee ugu dambeyn u sharaxan Fifa Ballon d’Or 2012.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa 82 gool shabaqa soo taabsiiyey ilaa Janaayo, wuxuuna u baahan yahay keliya sedax gool si uu u barbareeyo Gerd Muller oo 85 gool ku hugaaminay ciyaaryahanka ugu goolasha badan hal sano koox iyo xulba.

Messi ayaa Barcelona ka caawiyey inay hantaan Copa del Rey 2011-12, halka uu sidoo kale xulkiisa Arsentina u sahlay inay usoo baxaan isreebreebka koobka aduunka ee 2014.

Ronaldo ayaa door fure ah u ciyaaray kooxdiisa Real Madrid markii ay sanadii hore hanatay La Liga halka uu 46 gool dhaliyey, isagoo sidoo kale xulkiisa Portugal gaarsiiyey afar dhamaadka Euro 2012.

Iniesta, ayaa dhanka kale, xulkiisa Spain ka caawiyey inay difaacdaan horyaalka Yurub Euro 2012, isagoo sidoo kale Copa del Rey la qaaday Barcelona.

Messi ayaa Ballon d’Or si xariir ah ugu guuleysanaayey ilaa 2009kii, Cristiano Ronaldo ayaana qaaday 2008, laakiin wuxuu kaalimaha labaad ku dhameystay 2009 iyo 2011, halka uu Iniesta isna kaalinta labaad galay 2010kii.

Vicente del Bosque, Pep Guardiola iyo Jose Mourinho ayaa iyaguna isugu soo haray abaal marinta tababaraha sanadka.

Radamel Falcao, Neymar iyo Miroslav Stoch ayaa iyaguna u sharaxan abaal marinta goolka ugu qurxoon Puskas.

Marta, Abby Wambach iyo Alex Morgan ayaana ah gabdhaha u sharaxan abaal marinta sanadka Women’s Player of the Year award.

Bruno Bini, Norio Sasaki iyo  Pia  Sundhage ay u sharaxan yihiin Coach of the Year for women’s football award.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan 

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.