Doha (Caasimada Online) – Rasuulka SCW ayaa sheegay inuu dadka ugu khayr badan yahay Qofka Barta Qur’aanka ee Hadana dadka Barra, Hadaba Bal Qiysaas Qiimaha iyo Darajada uu Alle agtiisa ku yeelan doono Qofka bartay Qur’aanka ee hadana Gacantiisa ku Qoray, iyadoo Malaayiin qof ay kasii Faa’iidaysan doonaan.
Cubeyda Maxamed Saalax oo u dhashay dalka Suuriya, wuxuu ku beermay Jacaylka Qoritaanku Yaraantiisii, iyadoo waalidku ay ku igu dhiiri geliyeen, Wuxuuna sheegay inay Qoraanimadu ay Rabo in la geliyo Dedaal badan, Wuxuuna ku guulaystay inuu Qoro Kitaabka Qura’aanka Kariimka ah.
Wuxuu ka qayb galay Tartamo waa wayn oo lagu Qabtay meelo kala duwan oo ay ka mid tahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Kuwaasi oo Guulo uu ka gaadhay.
“Qoritaanka Kitaabka Quraanka ee dalka Qadar wuxuu ahaa Tartan ay Qababtay Wasaarada Awqaafta iyo Diinta ee Qadar, waxaana ka qayb galayey 120 Qoraa oo kala yimid Daafaha Dunida, Waxayna ahayd dhowr wareeg, Wareega Koobaad Qoraa kasta waxaa laga dalbaday inuu Qoro Laba Bog, Waxaana soo baxay 7 Qoraa, Iyadoo markaasi laga dalbaday inuu midkasta Qoro laba Juz, Kadibna Waxaa kasoo baxay Laba Qoraa, waxaana laga dalbaday inay Qoraan Kitaabka Qur’aanka oo dhamaystiran, Wuxuu alle Qadaray inay aniga Guushu i raacdo.
Waxay ii ahayd RIYO aan alle ka Baryi Jiray Inaan Qoro Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Alle mahadii way ii Rumowday oo Ducadii Alle waa ii Ajiibay.
Waa dareen aan Lasoo Koobi karin, Kitaabkii aad Gacantaada ku Qortay oo ay dadku Akhrinayaan, Weliba marka Lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan” Ayuu yidhi.