Tirinta cododka doorashada Kenya oo socota iyo cidda loo saadaalinayo guusha

Nairobi (Caasimada Online) – Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha xilka haya ayaa lagu wadaa in mar kale uu ku guuleysan doono doorashada ku celiska ah ee Kenya.

Dhinacyada doorashada Kenya u xil saaran tirinta codadka ayaa durba bilaabay cod tirinta, waxaana la xaqiijinayaa in Madaxweynaha xilka haya aysan cid la tartameynin.

Waxaa jira magaalooyin qaar oo shalay aysan ka dhicin wax codbixin ah sida magaalooyinka Kisumu, Homa Bay, Migori iyo Siaya oo ay ku badan yihiin taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Xarumaha dib loo dhigay codbixinta ilaa maalinta Sabtida ee barri ah, ayaa waxaa kamid ah goobihii ay shalay ka dhaceen rabshadaha, wuxuuna Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka sheegay in codbixinta goobahaasi la qaban doono Sabtida.

Sidoo kale, guddoomiyaha deegaanka Kisumu ayaa shaki geliyey in codbixinta ay beri ka dhici doonto magaaladaasi isagoo sheegay in shacabka ay ku jiraan baroordiiq.

Wuxuuna ku casumay inay magaaladaasi soo booqdaan hogaamiyayaasha mucaaridka ee uu hogaamiyo Raila Odinga.

Geesta kale, Goobaha codbixinta ka dhaceysay ayaa si weyn looga dareemayey tiro yarida dadka codkooda dhiibanaya, waxaana muuqata in badan oo kamid ah shacabka aysan codkooda dhiiban, taasi oo dhaawac ku noqon karta natiijo kasta oo soo baxda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com