Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii maalmihii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho uu ku dhintay hal qof oo keliya, iyadoo beenisay warbixintii hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR ka baahisay khasaaraha dagaalladaas.
Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 13 qof lagu dilay iska hor-imaadyadii magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, halka 189 kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbixinta UNHCR ayaa sidoo kale lagu shregay in ku dhowaad 12,500 qoys ay ka barakaceen guryahooda, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kadib rabshadihii saameeyay qaybo ka mid ah caasimadda.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo maanta soo saartay war-saxaafadeed ayaa sheegtay in xogta rasmiga ah ee dhaawacyada iyo dhimashada dagaalladaasi ay tahay; 1 qof oo dhimasho ah iyo 55 qof oo dhaawac ah.
“Iyadoo lagu salaynayo xogta laga helay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku lug lahaa gurmadka iyo daaweynta dadka waxyeelladu gaartay, tirada guud ee la diiwaan-geliyey ayaa ah: 55 qof oo dhaawacyo iyo dhimasho 1 qof ah,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa ku boorisay dhammaan hay’adaha, warbaahinta iyo daneeyayaasha kale inay muujiyaan mas’uuliyad iyo taxaddar dheeri ah marka la faafinayo xogaha la xiriira dhimashada, dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah, si loo hubiyo in xogta la baahinayo ay tahay mid xaqiiqo ku dhisan, la hubiyey, kana tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee jirta.
“Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo qaraabada qofka ku geeriyooday dhacdooyinkan, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaareen,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda caafimaadka.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Xogta rasmiga ah ee dhaawacyada iyo dhimashada ka dhashay dhacdooyinkii amni ee ka dhacay magaalada Muqdisho 3–4 Juun 2026
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay bulshada Soomaaliyeed iyo bahwadaagta la wadaagaysaa xogta hordhaca ah ee laga soo ururiyey isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ee qaabilay bukaanadii ay waxyeeladu kasoo gaartay dhacdooyinkii amni ee ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 3 iyo 4 Juun 2026.
Iyadoo lagu salaynayo xogta laga helay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku lug lahaa gurmadka iyo daaweynta dadka waxyeelladu gaartay, tirada guud ee la diiwaangeliyey ayaa ah:
• Dhaawacyo: 55 qof
• Dhimasho: 1 qof
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo qaraabada qofka ku geeriyooday dhacdooyinkan, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaareen.
Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan shaqaalaha caafimaadka, adeegyada gurmadka degdegga ah, iyo xarumaha caafimaadka dadaalkii ay muujiyeen si loo badbaadiyo nolosha dadka ay waxyeelladu gaartay.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ururinta, xaqiijinta iyo baahinta xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo, gaar ahaan xilliyada xaaladaha degdegga ah iyo dhacdooyinka saameynta ku leh caafimaadka bulshada.
Wasaaraddu waxay ku boorrinaysaa dhammaan hay’adaha, warbaahinta iyo daneeyayaasha kale inay muujiyaan masuuliyad iyo taxaddar dheeri ah marka la faafinayo xogaha la xiriira dhimashada, dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah, si loo hubiyo in xogta la baahinayo ay tahay mid xaqiiqo ku dhisan, la hubiyey, kana tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee jirta.
-DHAMMAAD-

